Xukuumadda Oo War Ka Soo Saaraysa Kiniisad Laga Furay Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay War la xidhiidha Kiniisad ay Haweenay Kiristaan ahi sheegtay inay Hargeysa ka furtay.

Wasiir Khaliil oo Maanta Saxaafaddu waydiisay waxay Wasaaraddiisu kala socoto Kiniisadda la sheegay in Hargeysa laga furay, ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaaradda Arrimaha Dibeddu si wada jir ah u soo saari doonaan War ka hadlaya Kiniisadda la sheegay in Hargeysa laga furay, waxaase uu sheegay in Warka Kiniisaddu aanu ahayn sida Warbaahinta Internet-ka loogu baahiyey, isagoo xusay in Warka aan loo sheegin siduu ahaa oo la beddelay.

Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Aad-baanu uga xunnahay Wararka lagu baahiyey Baraha Bulshada ee (Internet-ka), kuwaasi oo hadalladeeda soo qaadanayey Qof Dumar ah oo Kiristaan ah oo Dalka deggan oo joogta, laakiin Sawirro khaldan oo aanay waxba ka jirin (Baahiyey) Warkiina beddelay, sidaa awgeed Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay Go’aansatay iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha dibedda inay sameeyaan War-saxaafadeed oo ay Arrintaa xaqiiqadeeda xaqiijiyaan..”

Mariane Vecchioneoo ah Haweenayda sheegtay inay Kiniisadda ka furtay Hargeysa, ayaa hadal ay ka jeedisay kulan lagu Hargeysa waxay ku sheegtay inay Kiniisadda ku furtay ogolaansho ay ka heshay Dawladda Somaliland, “Dawladda ayaa Xaqiiqsatay in Dalnimadooda muhiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay ku caabudaan Mad-habtooda Chatolic-ga, sidaasi awgeed Dawladdu waxay noo ogolaatay inaanu dib u soo laabano oo aanu dib u furno Kiniisad ay Kiristaanku ku cibaadaystaan..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Hawshaa Kiniisadda markii aan dhamaystiray ka dib, waxaan hadda si Mutadawac-nimo ah uga hawl-galaa Cisbitaal Jaamacadeed oo Hargeysa ku yaalla, maaddaama oo aan Shahaadada labaad ee Master-ta ku haysto Cilmiga Caafimaadka.”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: