Xukuumadda Oo Sheegtay In Dib Loo Dhigay Shir Khaatumo Iyo Dawladda Uga Furmi Lahaa Burco

Hargeysa (Dhamays) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dib loo dhigay Shir Magaalada Burco 15-ka bishanuga furmi lahaa Kooxda Khaatumo iyo Dawladda Somaliland.

Shir-jaraa’id oo Maanta Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Guddiga Wada-hadallada u qaabilsan Somaliland ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo ay kaga hadleen Hadallo dhaawici kara Wada-hadallada u socda Khaatumo iyo Somaliland oo Khaatumo u gudbisay Dadka deegaannada bariga Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Wada-hadallo ayaa Saxaafadda ka baxay oo Qolada Khaatumo ay sheegeen in Shirkii Burco la iskugu imanayo. Heshiiskii waxa ku qornaa in Burco la iskugu yimaaddo Shir loo dhan yahay, Guddiyaduna ay Arrintaa ka shaqeeyaan, markaa waxaanu doonaynaa inaanu saxno, si Wada-hadalladu had iyo jeer ay u taabbo galaan, maaddaama oo waxa laga hadlayaa ay yihiin wixii Khilaafaad ah ee labada dhinac ay doonayaan in la isla meel dhigo, waa in labada dhinacba ilaaliyaan, si aanay u imanin wax turxaan ah oo Carqaladayn kara Wada-hadallada.”

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa isaguna sheegay “Khaatumo deegaankii bay dhex mareen, Warar aan la isla ogayn ayay sheegeen, iyagoo leh Shir baa la iskugu imanayaa Burco ee ha laga soo qayb-galo, Arrinku sidaas maaha, Waayo? lagama heshiinin, sida, Cidda ka soo qayb-galaysa iyo Meelaha ay ka kala imanayaan, arrintaa weli lagama wada-hadal oo waxa loo ballansan yahay, wax aan labada dhinac ka wada-hadal haddii dhinac fidiyo waxay ku keeni karaysaa Carqalad.”ayuu yidhi.

Wasiirka Beeraha Somaliland, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Saaxiibbadayo Khaatumo, wada-hadallo badan baanu soo wada galnay, Guushaa soo dhawaatay waxa wanaagsan in laga ilaaliyo Middi-roorka, waxaana lagu ballamay in wax wada qorsheysan ay labada dhinac isla gaadhaan.”

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha gudaha oo isaguna Shirkan Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxa lagu heshiiyey in Gogoshii uu dhigay Madaxweynuhu Burco inay fusho, Shirkaasi waxa la isla gartay inuu Qorshe u baahan yahay sidii loo qaban lahaa. Guddiga Qaban-qaabada oo ka soo jeeda Khaatumo iyo Dawladda Somaliland waxa la isla gartay inay Shir ku galaan Burco, lagagana wada hadlo sidii Shirkaa loo qaban lahaa oo lagu qorsheeyo, yaa ka soo qayb-gelaya, qaabkee ayay Dadka Beesha Shirka loo qabanayaa uga qayb-qaadanayaan, Ajandahana la isla eego. Markaa Shirkaa dib-baa loo dhigay bishan 24-keeda duruufo iyo hawlo yimid dartood.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: