Xukuumadda Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Dalka

Hargeysa (Dhamays) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muwaadiniinta uga digtay inay Liisan la’aan abuuraan Ganacsi cusub, halka Ganacsatada kalena loogu baaqay inay cusboonaysiistaan liisankooda oo ay cashuurtaan.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa Maanta ku dhawaaqay digniintan uu u dirayo ganacsatada doonaya inay abuuraan ganacsi cusub waxaanu yidhi “Waxaan digniin u dirayaa dadweyne Muwaadiniin ah oo doonaya inay abuuraan Ganacsi, kuwaasi oo aan Wasaaradda Ganacsiga ka haysan Liisan, Ruqsad iyo Ogolaansho midna ee isku daya inay abuuraan Ganacsi, isla markaana aan xog ka haysan ganacsigaa ay abuurayaan inuu hore u jiray iyo in kale, iyo waliba in astaanta iyo magaca ay qaadanayaan inuu hore u jiray iyo inkale, isagoo ugu baaqay inay arrimahaasi ku kacaan ”.

Wasiiru dawluhu waxa kale oo uu iftiimiyey ahmiyadda uu leeyahay Liisanka Ganacsigu “Wasaaradda Ganacsigu Liisanka ay bixisaa waxa uu ka tarjumayaa in muwaadinka Liisanka qaatay astaanta iyo magaca uu leeyahay isaga loo diwaangaliyo, sidaa darteedna wasaaradda uu xil ka saaran yahay inay u ilaaliso”.

Dhinaca kalena, Wasiiru dawluhu waxa uu baaq u diray guud ahaan Ganacsatada kale “Ganacsatada, waxaan ugu baaqayaa inay Liisamadoodii sanadlaha ahaa soo cashuurtaan, isla markaana kuwa uu dhawr sano ka dhacay ee odhanaya qiime dhimis noo samee waxa ka fiican iyaga oo sanadku marka uu dhammaado cashuurta oo cusboonaysiista Liisanka”.

Ugu dambayntiina, Wasiiru dawlaha Ganacsigu waxa uu ka hadlay kala xadaynta ganacsiga “Waxaanu xaqiijinaynaa, dhawaana oo aanu doonaynaa kala xadaynta ganacsatada anaga oo sugayna xeerarkii iyo qorshihii lagu kala xakamayn lahaa”.
   
 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: