Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Sheegtay in Caalamku Doorashooyinka soo socda ku kala saarayo Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (Dhamays)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Dunida oo dhami isha ku hayso Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bisha 5-aad ee sannadkan2021.

Xukuumaddu waxay sheegtay in doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland ay ku soo beegmayaan xilli uu Qas siyaasadeed oo salka ku haya muran doorasho uu ka taagan Soomaaliya, sidaasi darteed ay Beesha Caalamku isbarbar-dhig ku samaynayso Somaliland iyo Soomaaliya, sidaasi darteed loo baahan yahay in doorashooyinka Somaliland noqdaan kuwo daah-furan oo si wanaagsan u qabsooma.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada iyo Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo Xalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Musharraxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Xisbiga Kulmiye uga sharraxan Gobollada bariga dalka, ayaa sheegay in Soomaaliya oo uu Somaliland si tartan uga dhexeeyaa ay hadda dhex dabaalanayaan khilaaf siyaasadeed oo culus, sidasi darteed Adduunku qiimayn doono Doorashada Somaliland ee soo socota.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta qoladii wax is bidi jirtay ee faanka badnayd ee Soomaaliya waa ogtihiin waxa ka taagan caasimaddoodii oo ah kursiga ka kac iyo car aan ka kaco, markaa doorasheedaana (Somaliland) ayaa la innagu qiimaynayaa oo waxa la eegayaa dimuqraadiyaddeena oo la barbar-dhigayo waxa Xamar ka dhacaya.”

Open chat
soo dhawoow walaal