Xukuumada Somaliland oo Beenisay Warar Warbaahinta Lagu Baahiyay


Wax Safiira oo la inoo soo magacaabay oo aanu ognahay

Hargeysa (Dhamays)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo Geeska Afrika waraysi siiyay ayaa beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, ayaa  yidhi  “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”

Wasiir Fartoon oo la waydiiyay in ingiriisku Somaliland usoo magacaabay safiir ayaa yidhi “Wax Safiira oo la  inoo soo magacaabay oo aanu ognahay ma jiro,  gabadhii inala shaqeeynaysay, ayaa la bedelay, oo qof kale ayaa lagu soo bedelay,


awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato”.

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: