Xubno Ka mid ah Saladiinta Somaliland Oo Isa Soo Horfadhiisyay Madaxda Xisbiyada Qaranka Ee Kulmiye Iyo Waddani + Sawiro

Hargaysa (DMG) Qaar Ka mid ah Saladiinta Somaliland Ayaa isa soo horfadhiisiyay hoggaamiyaasha Axsaabta Qaranka.

Kulankan ay Saladiintu soo qaban qaabiyeen ayaa u jeedadiisu ahayd sidii xisbiyadu u joojin lahaayeen hadalada meelka dhaca ah ee hawada la isu marinaayo ee midba midka kale safaada u marinaayo, siiba labada xisbiqan ee Waddani iyo Kulmiye, isla markaana meel looga soo wadda jeetsan lahaa gurmadka Abaaraha.

Shirkaas oo muddo saacado ah qaatay, ayaa ku soo dhammaaday jawi is afgarad iyo isa saamax ay Hoggaamiyaashu iska dhayeen hadaladii kul kulala ee todobaadyadii u danbeeyay ay is waydaar sanayeen.

Murashaxiinta Xisbiyada WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilo kala duwan iyo eedo siweyn u dhexqaaday bulshada Somaliland isu marinaayay Saxaafadda, taas oo keentay gurmadka Saladiinta sidii ay xaraadadaas u qaboojin la hayeen

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: