Xoghayaha Cadaaladda Ee Waddani Oo U Mahadnaqay Booliska

Hargeysa (Dhamays) – Xoghayaha Caddaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Xirsi ayaa uga mahadnaqay Ciidanka Booliska shaqada culus ee ay hayaan, isla-markaana Bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo.

Barkhad Jaamac Xirsi oo ah Xoghayaha Cadaaladda ee WADDANI oo ugu horreyn ka hadlaya qiimaha Nabadgelyadu u leedahay dadka iyo dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka dareen celinayaa muuqaal aan Xalay (habeen hore) ka daawaday warbaahinta oo Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan uu kaga hadlayey miisaanka, martabada iyo macnaha ay Nabadgelyadu u leedahay dalka JSL, waanan uga mahadnaqaynaa, farriintaa waddaniyada leh ee qurruxda badan”.

Barkhad waxa kale oo uu iftiimiyey in nabadgelyadu ka qiimo badantahay guul ay gaadhaan xisbiyada iyo murrashaxiintu “In Xisbi hebel qabsado dalka iyo in saddexda Murrashax midkood uu ku guuleysto jagada Madaxweynaha, waxa ka qiimo badan ilaalinta Nabadgelyada, Qaranimada, walaalnimada, Midnimada Somaliland, iyo isku soo dhawaanshaha muwaadiniinta kala afkaarta ah”.

Intaasi kadibna, waxa uu baaq u diray taageerayaasha Xisbiga Waddani “Taageerayaasha Xisbiga Waddani meel kasta oo ay dalka ka joogaan waxaan ugu baaqayaa ilaalinta nabadgelyada, sidii horeba loogu bartay Xisbiga wuxuu dammaanad qaadayaa in muwaadin kasta oo taageera Xisbiga Waddani oo qayb ka noqdo Bileyska, ilaa inta halganka doorashada iyo quwada qaranka lagu muujinayo la gaadhayo”. Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi 

 Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: