Xisbiyada Qaranka Oo Bogaadiyey Ciidammada Qaranka Oo Baacsaday Kuwa Puntland

Hargeysa (Dhamays) – Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa maanta si wada jir ah eedayn ugu soo jeediyey ciidamada Puntland oo ay sheegeen inay weerareen ciidanka Somaliland ee ku sugan Jiidda Hore ee Gobolka Sool.

Saddexda xisbi ayaa sheegay inay taageerayaan ciidamada Somaliland ee jiidda hore, waxaana dagaalkaasi shalay dhacay ku eedeeyeen dawlada Soomaaliya inay ka dambaysay.

“Saddexda xisbi qaran haddaanu nahay waxaanu muujinaynaa in aanu meel uga soo wada jeedsanay gardarada qaawan ee ciidamada dawladda Soomaaliya kula kacay ciidanka Somaliland, aad baan uga xunahay in dhiig shifo sharci daro ah loo daadiyo”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga WADDDANI Ibraahim Mahdi Buubaa .

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Jiir ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay gardaro lagu soo qaaday ciidanka Somaliland, waxaanu yidhi “Ma doonayno in Dadweynaha reer Garoowe qaxaan, laakiin haddii mar dambe gaadmo iyo gardaro ku soo qaadaan ciidamada Somaliland ee jiidda hore in ciidanku dhaqaaqi doono, wuu tagi doonaa meelaha laga soo abaabulay”.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa isna sheegay in dagaalkaasi gardaro ahaa, isla-markaana dhawr iyo labaatan jeer ku soo qaadeen Ciidamada Somaliland, sidaasi darteedna aanay Qaran ahaan mar dambe u dul-qaadan doonin gardarrada Ciidammada Puntland.

Weerarka Ciidammada Puntland ku soo qaadeen kuwa Somaliland ayaa waxay kala kulmeen khasaare laxaadle, waxaana Ciidammada Puntland dagaalkaa kaga dhintay tobannaan Askari, waxaana laga qabtay Maxaabiis iyo Gaadiid Dagaal oo gaadhaya 7, kuwaasi oo uu ka mid yahay Taangi ama kaare.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: