Xisbiga WADDANI Oo Si Kulul Uga Hadlay Maxaabiis Daryeel La’aan Ugu Geeriyooday Xabsi Ku Yaalla Burco

Hargeysa (Dhamays) –  Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa ka hadlay Laba Maxbuus oo Shalay Xabsiga Magaalada Burco ugu Geeriyooday xanuunka Shuban-biyoodka oo halkaa ka dillaacay iyo  52 Maxbuus oo u jiifa.

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI wuxuu Geerida Maxaabiistaa ku sifeeyay Mid Xanuun badan, waxaanu Xukuumadda ku eedeeyay inay Dayacday Maxaabiista, maaddaama oo ay soo noqnoqonayso Dadka Daryeel la’aanta ugu Geeriyoonaya Xabsiyada.

“Xukuumadda Talada Somaliland haysa wuxuu Xil ka saaran yahay ilaalinta xuquuqda iyo Xaqa Qof kasta oo Reer Somaliland ah, gudaha dalka ha joogo ama Dibadda ha joogee. Waxa indhawaale soo if-baxaysay Maxaabiista ku dhimanaya Jeelasha, Berbera waad ogeydeen, Hargeysa maalin dhawayd oo waxa Xabsiga ku Geeriyooday Maxbuus kale oo Xaalad Caafimaad-darro u Geeriyooday. Maantana waxa Ayaan-darro ah in 54 Maxbuus oo Jeelka Burco ku jiraa Shuban sakaraad la yihiin, laba Maxbuusna Geeriyoodeen.”ayuu yidhi, Xoghayaha Cadaaladda WADDANI, waxaanu intaa ku daray “Dastuurku wuxuu leeyahay waa Edbinta iyo toosinta Maxbuuska, Qofka Xorriyadda laga qaadayna wuxuu xaq u leeyahay ilaalinta Caafimaadkiisa. Markaa Wasaaradda Cadaaladda waxa xaq loogu leeyahay inay Maxbuus kasta oo ku jira Xabsiyada u samayso Dhakhtar Khaas ah oo oo Wiiggii laba jeer ogaada Xaaladdiisa Caafimaad, kaasi oo Cudurrada Faafa ka daweyn karaya si aanay Maxaabiista kale ugu dhibtoon. Marka laba Maxbuus u dhimanayeen Shuban-biyood, waxa Caqligu inna siinayaa inay laba ama Saddex Maalmood Fuuq-baxayeen oo lagu daawanayey, taasina waa Masuuliyad-darro. Markaa waxaanu Dadka talada haya leenahay waar Ilaahay Masuuliyadda uga baqa.”

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: