Xisbiga Waddani Oo Ka Horyimi Qorshe Uu Madaxweyne Siilaanyo Awooda Kaga Qaadayo Gudidda Doorashooyinka Qaranka + Video

Hargeysa (Dhamays)- Xubno Kamida Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si cad uga hor yimi guddi Laga Shaki qabo in uu madaxwayne Siilaanyo dhawaan magacaabo kuwaasi oo la shaqayn doona Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

 

Masuuliyiintan xisbiga oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ugu baaqeen Madaxwayne Siilaanyo in aanay komishanka u baah nayn Guddi kale oo carqaladaysa.

Xubnahan Waddani ayaa Madaxwayne Siilaanyo uga digay magacaabista Guddidaasi uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey in uu Magacaabi doono.

Dhan kale masuuliyiintan xisbiga Waddani waxa ay dhaliilo xoogan u soo jeediyey Xukumada madaxwayne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbiga Kulmiye, Faah-faahinta Warkaasi Hoos Ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: