Xisbiga UCID Oo Cambaareeyey Weerarakii Loo Geystay Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI

Hargeysa (DMG)- Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa ee ay budhcad hubaysani todobaad gudahii kusoo weerareen laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Masuuliyiintan oo kala ahaa xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo  Cabdi Dool Oo Ah guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga UCID  ayaa waxay si adag uga hadleen falkaasi,waxaana ay sheegeen in falkani yahay mid aan loo dul qaadan Karin,sidoo kalena waxay baaq u direen laamaha amaanka iyaga oo ku adkeeyey inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii weerarkani gaystay ee waxyeelada soo gaadhsiiyay labadii masuul ee Xisbiga waddani, Faah-faahinta warkaasi Halkan Hoose Ka daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: