Xildhibaano Madaxweyne Muuse Biixi ku Dhaliilay Hurin Colaadeed

Hargaysa (Dhamaysnews):Xildhibaan Axmed Obsiiye (Gacan ) Oo ka mida Golaha Guurtida Somaliland ayaa Xukuumada Ku Eedeeyay in ay Jiraan Gacmo ama Shakhsiyaad Ka mida Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Hurinaaya Colaada Labada Beelood ee Ku Dhaqan Deegaanka Ceel Afweyn .

Xildhibaan Gacan iyo Xildhibaan Muuse oo maanta Siwada jira ula Hadlaayay Warbaahinta Dalka ayaa Waxay Sixooga u Dhaliileen Hadalkii Madaxweyne  Muuse biixi ee anaa Baaq uu u Diray Beelaha Ku Dagaalamaaya Ceel Afwey Iyagoo Xildhibaanadani Tilmaamay in Madaxweynaha looga Baahnaa Talaabo iyo Go,aan Xukuumadeed.

Dhinaca kale Xildhibaanadani waxay Sheegeen in Xukuumadu ay kula Jiro Faro Sii Hurinaaya Colaada islamarkaana aanay Xukuumada Muuse raali ka ahayn in Colaadaa xal laga Gaadho

Balkan ka Daawo Warkasi.

ttps://m.youtube.com/watch?v=nSm1jbI7fes

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews.com/Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: