Xeer Madaxweynuhu Dhaqan-geliyey Oo Khilaaf Ka Dhex Abuuray Golayaasha Wakiillada Iyo Guurtida

Hargeysa (Dhamays) – Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiilladu u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muran ka dhashay, ka dib markii Guurtidu ku doodday inay ahayd in xeerkaasi soo maro iyaga si ay ugu gudbiyaan Madaxweynaha.

Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa dood ay Maanta ka yeesheen Xeerkaasi oo ay markii hore wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyeen isla-markaana ay dib ugu celiyeen Golaha Wakiillada, haseyeeshee halkii ay wax ka beddelka iyo kaabista kaga samayn lahaayeen isla-markaana Guurtida dib ugu celin lahaayeen toos ugu gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isaguna dhaqan-geliyey Xeerkaasi oo Guurtidu qabto inay ku jiraan qodobbo aan Diinta Waafaqsanayn.

Xildhibaanada Guurtida ayaa sheegay in Guurtidu masuul uga tahay shacabka arrimaha nabadgalyada, dhaqanka iyo Diinta, waxaanay tilmaameen in xeer kasta oo golaha Wakiillada ka soo baxay ay iyagu dib u sii qiimeeyaan haddii aanu shareecada ama dhaqanka waafaqsanayn dib loogu celiyo Wakiillada marka sixitaan lagu sameeyo, hasa-ahaatee waxay Golaha Wakiillada ku eedeeyeen in markii ay hawshooda ka qabsadeen aanay iyaga ku soo celin, balse ay Madaxweynaha toos ugu gudbiyeen, taasi oo khalad ah Sharci ah sida ay ku doodayaan.

“Xeerar badan ayeynu golaha Wakiilada dib ugu celinay, waxa ka mid ah xeerkii kufsiga oo uu hadda shir-gudoonkeenu qoraal ka qoray, xeer aan dastuurka waafaqsanayn buu ahaa, Diinta islaamkana aan waafaqsanayn, wax ka beddelkeenii iyo kaabisteena waa la diiday, waxaan soo jeedinayaa illaa xeer hoosaad wada yeelano golaha Wakillada in aynaan xeer dambe ku celin Wakiillada..”ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka qayb-galay Doodda Xildhibaannada Guurtidu ka yeesheen Xeerka Kufsiga ee Wakiilladu u gudbiyeen Madaxweynaha isla-markaana uu dhaqan-geliyey.

Warar intaas  dheer ayaa sheegay in Shir-guddoonka golaha Guurtidu uu Qoraal ay xeerkaasi kaga hadlayaan u gudbiyey dhiggooda Wakiillada, iyagoo dhaliilaya in wax ka beddelkii ay ku sameeyeen xeerka kufsiga aan la raacin oo markiiba loo gudbiyey Madaxweynaha, kaas uu isaguna dhaqan-galiyey.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Toddobaadkii hore dhaqan-geliyey illaa Afar Xeer oo uu ka mid yahay Xeerka Kufsiga ee khilaafka ka dhex abuuray Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: