Xaalad aan Mustaqbalkeeda la Saadaalin Karin oo soo Wajahday Shacabka Catalonia

Mr Carles PuigdemontBarcelona (Dhamays) – Maamulka Gobolka Catalonia oo doonaya inuu ka go’o dalka Spain, ayaa  haatan wajahaya xaalad hubaal la’aan ah oo aan mustaqbalkeeda la saadaalin karin, kadib markii Ra’iisal-wasaaraha Spain ku dhawaaqay qorshe uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro  guud ahaan dawlad-goboleedka Catalan, isla markaana kala diro barlamaanka maamulkaas.

Aqalka sare ee Spain, ayaa lagu wadaa inay meel mariyaan tallaabooyinka uu damacsanyahay Ra’iisal-wasaaraha dalkaas maalinta Jimcaha, waxaana jirta soo jeedin ah in la qabto doorasho cusub, balse weriye BBC-da ka tirsan oo jooga Barcelona ayaa sheegay in waxa hadda laga wada dhow-rsugayaa tahay sida ay u hirgasho faragelinta xukuumadda Madrid Gobolka Catalonia.

Hoggaamiyaha Catalonia Mr Carles Puigdemont, ayaa si qiiro ku jirto u codsaday in xuquuqda shacabka maamulkiisa la difaaco, isagoo tallaabooyinka dawladda dhexe ee Spain qaadayso ku sifeeyay mid inqilaab ah.

Khudbad uu ka jeediyey telefishannada Mr Carles waxa kale oo uu sheegay in go’aanka mustaqbalka reer Catalonia ee ku salaysan nabadda iyo dimoqraadiyadda aannu aheyn dambi, waxaannu qorsheyaasha Ra’iisal-wasaare Mariano Rajoy uu barbardhigay keligii taliyihii hore ee Spain janaraal Francisco Franco, waxaannu wax aad loogu xumaado ku tilmaamay in xoog lagu horjoogsado rabitaanka shacabka Catalan ee u codeeyey madaxbannaanida, waxaannu ku hanjabay in aanay arrintaas u dulqaadan doonin.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: