Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Xabsi Ku Yaalla London

London (Dhamays) – Wiil Soomaali ah ayaa lagu dhex dilay Xabsi ku yaalla Dalka Ingiriiska oo uu muddo ku xidhnaa.

Qoyskiisa waxa ay u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa kadib caqabado uu kala kulmay banaanka , balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiqdiisa.

Afar qof ayaa loo xidh-xidhay dilka Khadar Saalax oo lagu dhex dilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka Magaalada London.

Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday tooray, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jidhkiisa ka muuqdeen.

Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo “Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rejo badan ka leh, Wakhti dhawayd ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yidhi Siciid, waxaanu intaa ku daray in in 7 jeer toorrayda lagu dhuftay Walaalkiisa lagu dhex dilay Xabsiga Galbeedka London ku yaalla.

Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoraddii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.

Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladuna waxa uu sheegay in la soo kordhinayo nidaamyo cusub oo lagaga hortago rabshadaha.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: