Waxyaabaha ay ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiir ka Socday Dowladda Ingiriisku

Hargeysa (Dhamays News) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador David Concar, ayaa ka wadahadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland iyo mashaariicda dhinaca horumarka ah ee ka socda dalka.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay, kaasoo u qornaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta (shalay) xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador David Concar.

 Waxaana kulankaasi lagaga wadahadlay qodobbo muhiim ah oo la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka bani’aadanimo ee ay Ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqadda Geeska Afrika iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

 Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wadahadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu-socodka dhaqaale ee Geeska Afrika, Dowladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi.

 Kulankaasina waxa uu ku soo dhammaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardargeliyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Maxamuud Warsame Jaamac.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: