“Waxaanu Jecelnahay Inaanu Sida Ugu Dhakhsaha Badan U Dhammayno Hawsha Ceel-Afweyn…” SAYLICI

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Dadweynaha Salaaddii Ciidda ee Maanta la tukaday Dadweynaha Xaafadda Gannad ee Hargeysa, ayaa ka hadlay Colaadda Soomaaliya ku hayso Somaliland iyo Colaadda labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex martay Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku-xigeenka oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Dagaalka ay Soomaaliya Maanta inagu waddaa waa dagaal xasad ah, warkoodu waa way dhaqaaqeen oo meel bay gaadheene (Somaliland) aynu lugta kaga xidhnaano. Iyagu (Soomaaliya) inaynu Lugta kaga xidhnaano oo aynu dhibaatada la qabno ayay jecel yihiin, innaguse taas ma jeclin ee nabadgelyo ayeynu jecel nahay.”

Md. Saylici wuxuu dardaaran u jeediyey Shacabka “Ummadda reer Somaliland waxaan leeyahay qiimaha nabaddu leedahay iyo wixii ina soo marayba waynu garanaynaaye aynu nabadda ku faro-adagyno oo waxa ina qaybinaya aynu ka tagno, waxa ina midaynayana aynu ka wada shaqayno, qabyaaladda dagaal adag inaynu la galno ayeynu u baahannahay, xaqana inaynu isku taageerno ayeynu u baahannahay..” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan-Saylici, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay colaadda labada Beelood ee Ceel Af-weyn “Annagu habeenna kuma seexanno inaanu dadkayaga kala jeclaysanno ama soo kala dhaweysanno, waxaanu jeelnahay inaanu sida ugu dhakhsaha badan u dhammayno hawsha Ceel-afweyn, shacabka reer Somaliland-na waxa loo baahan yahay inay hawshaas nagala qayb-galaan.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: