“Waxaan Ahay Ninka Ugu Dhow Ee Dheriga Kala Baxaya Lafta, Habar Jeclana..” Suldaanka Guud Ee Subeer Awal

Sanaag (Dhamays) – Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka qaybgelay gunaanadka Shir Beesha Biciide ee Habar-jeclo Shalay ugu soo xidhmay deegaanka Dooxa-dagaareed oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa ka jeediyey Hadal kooban.

Suldaan Xasan ayaa sheegay in midnimo la yaqaannaa ka dhaxayso Beelaha uu Suldaanka u yahay iyo Beelaha Habar-jeclo, isla markaana Ninka Dhariga Beeshaas Lafta kala bixi kara ee ugu horreeyaa uu isaga yahay.

“Qodobbadaa uu sheegay Boqor Cismaan Aw Muxumed iyo inta Qarsoon-ba rejo ayaa nagaga jirta, Dherigaba Ninka ugu dhow baa Lafta kala baxa, Aniguna haddaan Suldaan Xasan ahay ka ugu horreeya ee lafta kala baxaya ayaan ahay, Midhahaana waanu wada leenahay oo waanu wadaagaynaa” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Walaalnimadayadaa ahayd, Xoojinta Midnimadayaa ahayd, waanad ka wada dheragsan tihiin halka aanu isla soo marnay Habar Jeclo.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: