Wax Kabaro Infekshanka Kaadimareenka/ Caabuqa Kaadimareenka

Dr. Khalid Beergeel

Hordhac; infekshanka kaadimareenka ama Caabuqa kaadimareenku waa caabuq ama infekshan ay keento badanaa noolaha ilma aragtayda ah ee Bakteriyada nooyo kamidi, waxaanu ku dhacaa dhuuma ay kaadidu marto ee loo yaqaano Kaadimareenka, Kaadimareenku waxa uu ka koobanyahay laba dhuumood ama tuumbo oo kadida kasoo qaada kalyaha oo ah halka kaadida lugu sameeyo, labadaa dhuumood waxay soo maraan xagadambe ee uurku jirta meel inyar koone ka xigta laf dhabarta waxaanay ku soo xidhmaan Kaadihaysta oo lagu ururiyo kaadida ilaa ay kaadidu kabaxayso kadimareenka hoose oo usaara kaadida jidhka dibadiisa, hadaba sidaa aynu soo sheegnay kaadi mareenku waxa uu ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah;

  1. Kaadimareenka sare; oo ah laba dhuumood oo kaadida kasoo qaada kalyaha keenana kaadi haysta.
  2. Kaadimareenada hoose; oo ah laba qaybood; Kaadihaysta iyo dhuunta kaadida dibada usaarta oo loo yaqaano kaadisaare ama kaadimareenka dibada.

Hadaba infekshankani wuxuu ku dhacaa dhumahaa aynu kor kusoo sharaxnay ee kaadimareenada.

Erayaga Kalyo xanuun; wuu kaduwanyahay infekshankan aynu ka sheekaynayno oo waa in shaqada kalyuhu hoos u dhacdo oo ay soodaariwaayaan kaadi ama qashinkii.

Infectionka kalyuhuna waa lamid uun infekshanka kaadi mareenka.

Baahsanaanta xanuunka: xanuunkani waa xanuun aad ugu baahsan aduunka gaar ahaan afrika, waa xanuunka ugucaansan ama ugu badan ee lagudaweeyo qaybaha bukaan socodka ee xarumaha caafmaadka, wuxu aad ugu badanyahay dumarka, inkasta oo ragu marka ay ka yaryaryihiin halka sano iyo marka ay ka waawaynaadaan 60 jir oo badanaa qanjidhka dhalmadu uu bararo uu xanuunkani ku badan yahay raga. Marka aan eegno dumarka waxan odhankarnaa 50% ayuu kudhacaa xanuunkani dumarka uguyaraan haljeer, oo kadhigan in labadii dumara midkamida uu kudhaco xanuunkani.Nugleeya yaasha:- xanuunkan waxa dadka unugleeya waxyaabo badan oo ay kamidyihiin kuwan soo socdaa;

  • Kaadihaysta oo xidhan ama afkeedu xidhanyahay oo aanay kaadidu caadi ugasoowada dhamaanayn.
  • Dhibkajira neerfaha sida neerfaha oo macaan waxyeeleeyay.
  • Kadihaysta oo kadida kucelinaysa kaadimareenka kasareeya.
  • Katiitar lagaliyey qofka
  • Difaaca qofka oo hooseeya sida macaanka ama dawooyinka kortikoisterodh ka oo uu isticmaalo qofku
  • Nadaafada gaar ahaan ciyaalka yaryar oo istijada xaga dambe kagayimaada
  • Wiilasha aan la xalaalayn

Calaamadaha Xanuunka: Kaadida oo qofka gubta, kaadida oo badata oo kolba qofka qabanayso oo uu kunoqnoqonayo suuliga, isagoon xajin karayn ee lacararaya kaadida, qofka oo habeen kii dhawr jeer u kaca kaadida, qofka oo marka uhoraysa ee uu bilaabayo kaadida ay ku adagtahay, ciyaalka yaryar way isku kaajaan habeenkii, way ooyaan markay kaadinayaan, marka hore way kameermeeraystaan inay suuliga tagaan, mararka qaar midabka kaadida ayaa isbadala oo noqda casaan ama bigays, qofku wuxuu garaac ka dareemaa kalyaha dushooda xagadhabarka, ama kaadihaysta dusheeda.

Mararka qaar waxa lagayaabaa hadiiwaliba ay jirto; caabuq badan ama malax ku samaysantay kaadimareenada sare in qofku uu yeesho xumad badan, qadhqadhyo, matag, yalaalugo.

Sidee loo baadhaa; badanaa hadii ay tahay mid aan cuslayn oo qofku calaamado kooban oo cad leeyahay, ay tahayna markii ugu horaysay, waxa macquula in dhakhtarku aanu shaybaadhsamaynn ee uu kaliya dawo siiyo, hadii shaybaadh loo baahdana dhakhtarku wuxuu dirikaraa waxyaabo kaladuwan isagoo kolba eegaya waxa keenay iyo waxa ay la xidhiidho infekshanka jiraa, waxaase ugu caansan in qofka loo diro shaybaadh ah in kaadida labaadho, iyo in dhiig laga caado loo yaqaano CBC iyo macaanka qofka la’eego, mararka qaarna waxa dhicikarta in qofka loodiro sawiro sida Ultrasound, Xray IWLM.

Sidee loo daweeyaa: badanaa waxa lagu daweeyaa kiniin mararka qaar uu dhakhtarku arko waxyaabo khasbaya in irbad lagudaweeyo mooyaane, badanaa waxaa loo isticmaalaa dawaynta xanuunkan dawada Ciprofloxacin 500mg kiniini ah oo shan cisho ama 7 cisho ah, sidoo kale waxa la isticmaali karaa Bactrim kiniin 3 cisho melahaa, ama nitrofurotain kiniin. Tusaale ahaan Somaliland imika waxaa ku soo batay dadka sadexdan dawaba aad u isticmaalay si aan haboonayn oo bakteeriyada keenta xanuunkani ay la qabsatay dawooyinkan dadkaasoo ay dhibadantahay in ladaweeyo, waxaanay dadkaasi u baahanyihiin in kaadidooda la beero si loo koriyo bakteeriyada ku jirta kadib la eego dawooyinka dilikara kadibna qofka looqoro kuwaa.

Fariingaara;

  • Xanuunkan hadii aad iskaga shakido iskuday inaad dhakhtar lakulanto oo aanad dawooyin iska iibsan ama iska isticmaalin
  • Iskuday in aad dawooyinka laguuqoro sidooda u qaadato oo aanad kala jarjarin si aanay bakteriyadu ula qabsan dawadan.
  • Istijada biyo fiican isticmaal kagana kaalay xaga hore oo kaadida ka istijoo marka hore
  • Cabitaanka badso oo biyaha maalinkasta cab ilaa laba litir ama kabadan.
  • Hadii xanuunkani kugu soonoqnoqdo kala tasho dhakhtarkaaga sidii looga hortagilahaa soo noqnoqoshada

Qoraalkan waxaan u qornay wacyigalin iyo waxbarid bulshada ah, ee qofna maaha inuu u isticmaalo inuu dawooyinkan qaato kaligii waxaa sidoo kale muhiima in la ogaado calaamadahan inay keeni karaan xanuuno kale oo aan ahayn infekshanka kaadimareenada oo kaliya taasina ay ka dhigantahay qofku waa inuu latashado dhakhtarkiisa ee aanu kaliya latashan qoraalkan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: