Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland oo Shaaciyey in 70% ay Hay’adda Dowladdu Isticmaalaan Astaan Khaldan

Hargeysa (Dhamays News) – Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, aya shaaciyey in hay’adaha dowladdu ay 70% isticmaalaan, isla markaana dhukumantiyada dowliga ah lagu ladho astaan khalad ah oo loo ekaysiiyey Astaanta Qaranka Somaliland.

Sida ku cad qodobka 7-aad ee dastuurka Somaliland, farqaddiisa 2-aad, astaanta qaranka Somaliland waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaanna ka sarreeyo ay labadiisa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan.  Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhexaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.

Hasa yeeshee, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo warbixin siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland shalay, waxa uu halkaas ku soo bandhigay farqiga u dhexeeya astaanka saxda ah ee qaranka iyo astaanta kale ee macmalka ah, taasoo uu xusay in hay’adaha dowladdu ay si xooggan u adeegsadaan.

“Waxa aannu runtii idinla socodsiinaynaa halkaas waxa aad ku aragtaan (labadiisa gacmood oo uu labda astaamood sare ugu qaaday) laba calaamadood oo ah astaamihii qaranka. Labadaas astaamood ee qaranka, markii aannu eegnay Hay’adaha dowladda iyo Wasaaraddaha qaranku astaanta qaranka ee ay isticmaalaan, waxa ay 70% ay isticmaalaan astaanka khaldan, markaa labadaas astaamoodba waannu gayn doonaa Golayaasha Qaranka oo dhan iyo Golaha Wasiirradaba, si loogu dhaqmo astaanta saxda ah ee aynu leenahay,” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu.

Waxa kaloo uu soo bandhigay waxyaabaha ay astaantan been-abuurka ah kaga duwan tahay astaanta saxda ah ee qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Tan (astaanta khaldan) waxa dhexda kaga qoran maaha BISINKA ee waa far Faarisi ah (luqadda lagaga hadlo dalka Iran qaybo ka mid ah waddanka Ciraaq iyo dalal kale), Allaahu akbar kagama taalo feedhaha, laakiin wax kale oo sanam ah ayaa ku yaal, waana laba arrimood oo aad iyo aad u kala duwan, laakiin waraaqaha aynu isku dirayno heer qaran waxay u badan yihiin kuwaas khaldan, taasna Insha Allaah waynu sixi doonaa.”

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sidoo kale ka hadlay xeerar cusub oo ay doonayaan in loo sameeyo dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aannu soo wadnaa xeerar badan oo aad talo naga siin doontaa oo uu ka mid yahay xeerka astaanta qaranka. (Sida ku cad dastuurka) astaanta qaranku waa qodob, laakiin wax xeer ah ma laha, xeerka calanka, xeerka afka Soomaaliga ah oo imminka meel walba wixii la doono ayaa ku qoran oo haddii aad eegtaan boodhadhka dalkeena ama kuwa caasimadda Hargeysa 80% waa Af-ingiriisi, waxa laga yaabaa in 10% ay yihiin Carabi, waxaana laga yaabaa in 5% ay ku qoran yihiin Af-soomaali, sida aad ogtihiina waxa uu dastuurkeenu qorayaa in afkeena koowaad uu yahay Soomaaliga, afka labaadna waa Carabi.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: