Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo ka Hadlay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Fasaxyada Xiliga Salaadaha

Cawaale Ibraahim Shirwac

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac

Hargeysa (Dhmays News) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dalka joogaa ay shaqaalahooda u ogolaadaan fasaxyada ku beegan saacadaha salaadaha ama cibaadooyinka kale ee diiniga ah.

Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac oo waraysi siiyey telefiishanka Eryal TV shalay oo ka jawaabay su’aal la xidhiidhay cabashooyin la sheegay in qaar ka mid ah hay’adaha ka hawlgala dalka Somaliland ay shaqaalahooda u diidaan xiliyada salaadaha, waxa uu caddeeyey in aanay wax cabasho ah oo arrintaas khusaysaa aanay weli soo gaadhin Wasaaraddiisa, balse uu diyaar u yahay inuu wax ka qabto haddii ay soo baxaan cabashooyinkaas oo kale.

Aniga ka Wasiir ahaan ama ka Wasaarad Qorshayn ahaan arrintaas iyadoo cabasho ah imay hor iman weli…Anigu tusaale ahaan waxa aan ku soo noolaa dal dalal kiristaan ah, laakiin marka ay noqoto Adduunyada aannu ku noolayn, hay’adahaasi marka ay noqoto in aad waqtigii salaadda gasho, dee qofka bani’aadamka ah wuxuu leeyahay fasax (break time) oo xiliga qadada (cuntada ah), markaa haddii uu xiligaas fasaxiisa ah ku toosisto (beego) saacadaha salaadda oo uu waqtigii salaadda qaato waa halkeeda, ta kale Hay’aduhu inta badan anigu Wasiir ahaan waxa aan qabaa inay tix-geliyaan xiliyada diiniyanka ah ee qofku leeyahay,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Waxaannu intaas ku daray; “Mid ayaa jirta oo ah arrimaha qaarkood ama xiliyada qaarkood waxa ay ku xidhan tahay heshiiska (contract) ay labada qof kala saxeexdaan, laakiin waxa aan qabaa inay muhiim tahay in qofka shaqaalaha ah loo ogolaado waqtigaas ay cibaadadu taagan tahay, haddii ay aniga i soo gaadho (cabasho arrintaas la xidhiidha) waxa aan jecelahay in aan hay’adaha ay khusayso kala hadlo, waxayna Hay’aduhu u baahan yihiin marka ay waddan yimaadaan inay dhaqanka, diinta iyo dhinacyo badan eegaan oo haddii ay bisha ramadaan tahay ee la sooman yahay waa in ay Hay’addu fahanto in shaqaaluhu sooman yihiin oo haddii ay xiligii afurka gaadho, dee qof shaqaale ah in aan la odhan karin shaqadii ayaa socota, markaa arrintaas waxa aan jecelahay in aan wax badan ka ogaado.”

Wasiir Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka ay u diwaangeliyaan hay’adaha caalamiga ah ee yimaadda dalka Somaliland iyo sababta keentay in hay’ado kala duwan dalka looga saaray muddooyinkii u dambeeyey.

Innagu dowlad ayeynu nahay oo sharci ayeynu leenahay oo hay’addu meel kasta ha ka timaado (laakiin) marka ay halkan (Somaliland timaado) waxa jira sharciga hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO Act), markaa innagu dowlad ayeynu nahay oo hay’ad yar gaar uma eryanno, waxaana weeyaan Hay’adaha na soo gala waxa aannu u eegnaa sharcigaas, markaa sharcigaas diwaangelinta ah ta (hay’adda) fulisa waannu qornaa, tii (hay’addii) aan buuxin shuruudahaasna lama siiyo liisan (ay kaga shaqayso Somaliland), waana run oo waxa jira Hay’addo aannu mamnuucnay (dalka ka saarnay) bilawgii sannadkan iyo sannadkii horeba (2018), waxaanna dhici karta in macluumaadka ay na siiyaan marka la diwaangelinayo iyo shaqadooda marka dambe ay la yimaadaan ay is waafaqi waayaan, markaa tusaale ahaan Hay’adaasi waxay ahaayeen qaar isku diwaangeliyey inay yihiin hay’ado waddani ah (reer Somaliland), markii dambena ay caddaatay inay yihiin hay’ado ay ahayd in lagu diwaangeliyo magaca hay’ado caalami ah (International NGOs), markaas taas weeyaan oo xeerka ayaannu fulinaa, sida ay hay’adaha kale ee dowladdaba, laakiin ma eryano hay’ado gaar ah oo hay’addu haddii ay shuruudaha buuxiso waannu diwaangelinaa, haddii aanay buuxina waannu ka joojinaa oo ma diwaangelino,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u wada shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee yimaada dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa nasiib-wanaag ah, imminka dowladda Somaliland waxay gaadhay heer aanan sugin ee aynu innagu diyaarsanay halkii la innagala shaqayn lahaa oo aynu noqonay dal wixiisu u diyaarsan yahay, markaana Hay’adaha iyo dalalka inoo yimaadana aannu nidhaahno; ‘qayb kasta ama waax kasta ama wadaage kasta baahidaas ayaa jirta oo sannadka 2021-ka in aannu halkaas gaadhno ayaannu rabnaa (qorshaha hiigsiga qaranka) ee maxaad na gala shaqayn kartaan? Halkii ay awal (markii hore) ka ahaan jirtay in Hay’addo iyadoo wax yar sida ay odhan jirtay; ‘halkan ayaannu ceel yar ka qodaynaa ama halkan ayaannu cusbitaal yar ka samaynaynaa.’ In aannu anagu nidhaahno; ‘waxa aannu rabnaa in aannu baahidayada gaadhno sannadka 2021 oo aannu halkaas gaadhno ayaanu rabnaa, maadaama aannu halkaas gaadhaynana waxa aannu u baahannahay intaas oo wax ee halkee ayaad wax nagala qaban kartaan ee aad lacagtii noo gelin kartaan? Markaa aad ayaanu halkaas uga dedaalnay.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: