Wasiirka Maaliyaddu Hadduu Degmadii Uu Deganaa Cashuurta Ka Soo Ururin Kari Waayey, Halkee Kaluu Kasoo Ururin Karaa?

Dakhliga Cashuuraha Bariga ee xarunta degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in 90% uu ku dhaco jeebka shaqsiyaadka maamula xafiiskaasi, kuwaas oo aan lagala xisaabtamin dakhliga ay soo saaraan, isla-markaana ku Tagri-fala dhaqaalahaasi.

Sidoo kale, dakhliga Waaxda Cashuuraha Bariga ee degmada Maxamuud Haybe ayaa musuqa jira ka sokow uu aad hoos ugu dhacay muddadii uu wasaaradda Horumarinta Maaliyadda hoggaaminayey Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi.

Isku-soo wada duuboo shaqo xumada iyo musuqmaasuqa ka jira Xafiiskaasi ayaa Haddii aan deg-deg wax looga qabanin fashilin doona Guud ahaa Shaqada dawladda, gaar ahaan hawsha wasaaradda horumarinta Maaliyaddu u hayso Qaranka Somaliland.

Gebo-gabadii Haddii Wasiirka Maaliyaddu uu degmadii uu dhalasho ahaan ka soo jeeday isla-markaana uu deganaa Xafiiskeedii Maaliyaddu fadhiisto Ama musuqmaasuq hadheeyo halkee kale ayuu shaqo fiican ka qaban karaa..?

Qalinkii: Aqoonyahan Shaafici Maxamuud Cabdiraxmaan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: