Wasiirka Maaliyadda Oo Madaxda Wasaaraddaasi Ka Hor Istaagay Kormeerka Ilaha Dakhliga

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa  27-ka bishii lixaad ee sannadkan 2018, soo saaray wareegto uu Madaxda Wasaaraddaasi kaga hor-joogsanayo inay kormeeraan Ilaha dhakhliga, sida Cashuuraha beriga iyo Kastamada.

Wasiirka ayaa Tallaabadan qaaday, ka dib markii ay soo baxday in Musuqmaasuq baahsani ka jiro dhammaan inta badan xarumaha Dakhli soo-saarka oo la sheegay inay ka hawl-galaan Masuuliyiin isaga si gaar ah ula shaqeeya.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Wareegtada uu Wasiirka Maaliyaddu uu kormeerka Xarumaha Dakhliga kaga joojinayo Masuuliyiinta Wasaaraddaasi.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: