Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeertay Dekedda Berbera, Booyadna Ku Wareejisay Wakaaladda Biyaha

Berbera (Dhamays) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo SamsamCabdi Aadan ayaa kormeer ku tagtay dekeda magaaladaBerbera, si ay ugu kuurgasho habsami u socodka hawlahadekeda Berbera oo wakhti xaadirkan ay ka soo dageenbadeecado aad u tiro badan iyo xoolihii moosimka Xajka oo ka dhoofaya Berbera.

Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyada Somaliland intii ay kormeerkaasi dekeda Berbera ay ku gudo jirtay waxa ay warbixino ka dhagaysatay Masuuliyiinta Dekeda iyo maamulkaKastamka Berbera, waxaanay Wasiir Samsam ka markhaatikacday sida fiican ee ay u socdaan hawlaha Dekedu, iyadooshaqaalaha dekedana uga mahadnaqday sida ay ugu dhabaradaygaan shaqada ay qaranka u hayaan xiligan oo magaaladu ay ku jirto xagaa iyo kulayl daran.

Kormeerkan oo ay Wasiirka Maaliyada ku wehelinayaanbadhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, Maamulaha Kastamka magaalada Berbera Maxamed CabdiGurxan iyo Agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta SheekhSaleebaan ayaa ugu horayn waxa warbaahinta la hadlayAgaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxaanu yidhi “Halkan aynu caawa iskugu nimid waa dekedii Berbera oobadeecadii ay ka soo dagayaan, xoolihiina ay ka rarmayaan ookoonteenaradaasi socdaa ay yihiin badeecadihii, oo uu dhexmarayo Wasiirka Maaliyada Somaliland oo shaqadii iyowaajibaadkii qaranka gudanaya.” Ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Maamulka Kastamka magaalada Berbera Mr Gurxan oo isagunaWasiirka Maaliyada xogwaran ka siiyey Wasiirka Maaliyadahawlaha dekedu siday u socdaan ayaa waxa uu yidhi “Waxaanunahay masuuliyiinta u xil-saaran in aanu ka soo saarno cashuurtasharciga ah eek ala duwan ee konteenarada iyo general cargo-gaiyo sidoo kale xoolaha iyo badeecada ka dhoofaysa dekedaBerbera” Maamulaha Kastamka Magaalada Berbera.

Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan “Waydinkaa arkayasi fiican ayay u shaqaynaysaa, waxaan aad iyo aad ugumahadnaqayaa dadka ka shaqeeya dekeda Berbera, waxaanisleeyahay runtii waa dad muwaadiniin ah, waayo wakhtigaakulayl haday tahay, duhur haday tahay ilaa caawa shaqaynaya, waxa weeyaan wax Ilaahay loogu mahadnaqo, anaguna waxaanuleenahay Illaahay ayaa idinka jasaa’i siin.

Shaqooyinka qaar lama eego uun lacag laakiin waxa la eegaawadaninimo, waddaninimo ayaa runtii meeshan ka muuqata, waa wakhti adag oo kulul runtii dadka u dhabar adaygayna aadiyo aad ayaan u bogaadinayaa” ayay tidhi Wasiirka MaaliyadaSomaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyada Somaliland ayaa gaadhiBooyadd ah ku wareejisay Wakaalada Biyaha ee magaaladaBerbera iyo Maamulka gobolkaasi Saaxil.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ooWasiirka Maaliyada uga mahadnaqay booyadaasi ayaa waxa uuyidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Wasiirka MaaliyadaMarwo Samsam Cabdi Aadan oo aan uga mahadnaqayodedaalkaasi ay samaysay iyo arinkaasi khayriga ah ee ay booyadaa nagu wareejisaymudo kooban inta ay socdaanxaaladaha degdega ah ee wakhtigan.” Ayuu yidhi Badhasaabkagobolka Saaxil.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay maayarkamagaalada Berbera CAbdishakuur Cidin, waxaanu yidhi “WasiirWasaarada Maaliyada, Samsam Cabdi Aadan oo runtii garatay, maadaama oo magaaladu wakhtigii ugu kululaa ay ku jirto, maadaama oo xoolihii ugu badnaa sanadku ay dhoofayaan, maadaama oo biyaha xoolaha moosimka xajku ay ku yiraato oomeelaha ay biyuhu ay ka fog yihiin ay dareemaan biyaha oohoos u dhaca in ay maanta noo soo gurmado oo aanu isticmaalidoono booyadan ilaa inta ay naga dhamaanayso baahida aanu u qabno.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Berbera CabdishakuurMaxamuud Cidin.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada oo iyaduna halkaasi ka hadashayayaa waxa ay tidhi “Waxyaabahan yaryar ee soo kordhayaa waawaxyaabo ay keenaan marka meeshu balaadhato oo ay horumargaadho oo dadku ku soo hirtaan oo dad badan ay soo degaanayay biyuhu yaraanayaan, dhulku yaraanayaa oo aynu waxyaabobadan dareemaynaa oo aynaan awal dareemi jirin, markaaBerberi horumar ayay ku socotaa, illaahayna ha inoogu siiwado.” Ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland MarwoSamsam Cabdi Aadan

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: