Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ka Hadlay Dagaal Laba Beelood Ku Dhex Maray Ceel-Afweyn

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa baaq Nabadeed u diray Beelo Walaalo ah oo Shaqaaqo ku dhex martay degmada Ceel-af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Wasiir Cadami wuxuu layaab ka muujiyey waxa xilligan lagu jiro Abaarta Adag keenaya Dagaalka labada Beelood, maaddaama oo Dagaallada dhex mara Qabaa’ilka Soomaalidu inta badan iman jiray Xilliga lagu jiro Gu’ga.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo ugu horeyn ka hadlaya Waan-waan nabadeed oo Xukuumaddu ka dhex wadday Beelahan Walaalaha ah oo hore ugu dagaalamay deegaannada hoos taga Degmada Ceel-Af-weyn, ayaa yidhi, “Dawlad iyo Shacabba waa la iskugu tagay oo meel fiican ayay maraysay, laakiin waxaanu wax ka saareynaa (Dagaalka cusub) Malaha Abaarta ayaa raagtay, Waayo? marka Abaartu Raagto Xayraannimadu way sii korodhaa oo saxmaddaa sare yar qabata, waxaanu rejaynaynaa in hoos loo dhigo Roob la’aanta Roob baa ka dambaynayee, Raxmadda ILAAHAY baynu sugaynaa.”

Wasiir Cadami waxa kale oo uu sheegay, “Dadku waxay isku yaac-yaaci jireen (Dagaalami jireen) marka Gu’gu da’o, laakiin waxa la leeyahay waa maxay bahashan Abaarta ka abuurmaysaa? Waxaanu leenahay Dib ha loogu noqdo, reeruhu waa Walaalahayo oo waa deegaankayagii, si gaar ah ayaanu uga damqanaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Baaq gaar ah ayaan u dirayaa oo waxaan leeyahay wixii Qabyo ka ahaa aynu isla sugno marka Raxmaadka ILAAHAY da’do.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: