Wasiirka Gaadiidka Oo Ka Hadlay Maamulka Hawada Iyo Isku-shaandhayn La Hadal-hayo

Hargaysa (Dhamays) – Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Maamulka Hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo dhawaan Maamulka Muqdisho sheegay in Maamulkeeda ay ku wareejisay Hay’adda ICAO oo hore u Maamuli jirtay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horuumarinta Jidadka  Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo Waraysi siiyey Telefiishanka Madaxa-bannaan ee HCTV, ayaa si adag u sheegay inay doonayeen in Somaliland doonaysay in Maamulka hawada ay si wada jir ah u Maamulaan Hargeysa iyo Muqdisho, balse Maamulka Muqdisho taasi iska dhego-tirayaan, sidaasi darteedna ay Somaliland ahaan Tallaabo qaadi doonaan, maaddaama oo ay xaq u leeyihiin inay Hawadooda si gaar ah Maamulaan.

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sida aynu Warbaahinta ka maqlayney waan arkanay in nimankaasi (Soomaaliya) ay Xafiis ka furteen Muqdisho, runta marka laga hadlayo Hawadu waa arrin xaasaasi ah oo maaha wax Somaliland iyo Soomaaliya  khaas u noqon kara, Waayo? Diyaaradaha Hawada marayaa waa Diyaarado Caalami ah, bed-qabka Hawaduna waa arin muhiim u ah Caalamka oo dhan isku socodkiisa.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ka hadlaya ahmiyadda Bed-qabka Hawada ayaa sheegay “Waxaad ogtihiin Waddamada Khaliijku qayb ka mid ah in Hawadoodii Diyaaradaha ka xidheen, waxa kale oo jira Yemen dagaal ayaa ka socda oo Diyaaraduhu ma maraan, Hawada Eratariya iyo Jabuuti laftooda wax ka jira colaado oo Diyaaradahu ma maraan, Itoobiya iyo Eratariya laftoodu sidaa ayey ahayad muddo, markaa khadka keli ah ee bed-qabka ah ee la marayey waxa uu ahaa khadkan Somaliland iyo Soomaaliya, 12 Ruut ayaa Somaliland dusheeda mara, halka ay Koonfurta (Soomaaliya) ka maraan 7 Ruut.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dawladda Somaliland ku dedaashay in Wada-hadal lagu dhameeyo muranka Maamulka Hawada ee Soomaaliya ka dhexeeya “Annagu waxaanu ku dedaalaynay si is-qancin ah in hawshaa (Hawada) loo wada maamulo, laakiin waad ogtihiin Dawladda Soomaaliya iyadu marnaba diyaar uma aha in aynu si nabadgalyo ah hawlaheenu ku dhamaadaan, Hawada lafteeda waanu arkaynaa waxay ku wadaan (khilaafka)..”

Wasiir Abakor wuxuu ka hadlay Tallaabada ay Somaliland ahaan qaadayaan “Somaliland Dawladeedu waxaynu ku Khasbanahay wixii kale inoo banaan in aynu yeelno, kolay khatarna waxay ku keeni doonataa Mustaqbalka bed-qabka Diyaaradihii marayey Hawadeena iyo Hawadoodaba hadday go’aankaas keligood qaataan (Soomaaliya)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Kulankii ugu danbeeyay ee Nayroobi  ka dhaca ee ay Qaramada Midoobay ina dhexdhexaadinaysay waxay aqbaleen in ay dib ugu soo noqdaan wixii heshiisyadeenii hore (Dhigayeen), laakiin nimankaasi niman diyaar u ah maaha, inaguna kolay waxaynu ku khasbanaanaynaa wixii inoo banana inaynu yeelno…”

Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo Telefiishanka HCTV waydiiyey waxa uu ka odhanayo eedaymaha ah in Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE masuul ka yihiin in Hawada Somaliland laga Maamulo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ku jawaabay “Runtii eeddaasi waa eed jaban, aniga ilama aha sidaasi, sababta oo ah waxan taariikhda la yidhaahdaa waa inay Qofka hagtaa, isma lihi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo Madaxweynaheenii hore, oo isaga oo xil Dawladeed haya oo Wasiirnimadii ka tegay si uu Dalkan xuquuqdiisa u soo dhiciyo, inuu xuquuq uu leeyahay (Dalkiisu) haddana dib u celin karo iyo Muuse oo aad ogtihiin Madaxweynaheena jooga Maanta oo isaguna Mujaahid ah ilama aha Niman gorgortan gelinaya Xuduudaha Badeed, Berri iyo Cirba ee Dalku leeyahay oo ku wareejinaya Cid kale, markaa eeddaasi waa eed jaban oo aanay waxba ka jirin.”

Wasiirka Gaadiidku wuxuu ka jawaabay su’aal nuxurkeedu in Hay’adda Maamulka Madaarradu hoos tagto Wasaaradda Gaadiidka iyo in kale, waxaanu yidhi “Xeer baa lagu aasaasay Hay’adda Duulista iyo Maamulka Madaarrada, waxa la aasaasay (Xeer Lr 70/2017) oo Baarlamaanku ansixiyey, waxayna leedahay Maareeye, Hay’adda waxa Layn Ministar u ah (Hoos tagaysaa Wasaaradda Gaadiidka) sida ku qoran xeerkeeda..”

Wasiirku waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waxa ka jira in Madaxweyne Muuse Biixi uu dhawaan Isku-shaandhayn ku samaynayo Xukuumaddiisa, waxaanu yidhi “Dawladdu way cusub tahay, Qof kasta oo Caqli lihina waxbuu qiimayn karayaa, laakiin inta badan Warbaahintii taageeri jirtay Xisbigii dhacay ee WADDANI ayaa dabada ka riixda, balse Anigu ma ogi wakhtigan isku-shaandhayn, inkasta oo Isku-shaandhayntu nolosha qayb ka tahay oo Dawladaha lagu sameeyo..”

Wasiir Abokor waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta Wasiirrada Xukuumaddu uga hadli waayeen Arrimaha Dalka ku soo kordha ee Madaxweynaha oo keliya uga hadlo sida dagaalka Tuke-raq, waxaanu yidhi “Waxaynu leenahay oo jira Xeerka kala-xadaynta Awoodaha Dawladda, markaa wixii Warfaafin ah waxa inoo qaabilsan Wasaaradda Warfaafinta, markaa maaha in Qof walba dhinac ka dhawaaqo, waxyaabihii Dawladdii hore lagu eedayn jiray waxa mid ahaa in la yidhaahdo Dawladdu way kala hadashaa, markaa Annagu si aanu taa uga fogaano Wasaarad-baa u xil-saaran. Markaynu noqoto arrin difaac waxa jira xeer la yidhaahdo 52 (Xeerka Nabadgalyada Qaranka), xeerkaasi wuxuu tilmaamayaa Guddiga Nabadgalyada Qaranka sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha gudaha, Taliyaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka (ayaa ka hadlaya Arrimaha difaaca), markaa Xeerkaas ayaa Annaga Dabar nagu ah, marka la doonayo in Xaalad Dagaal laga hadlo waxa ka hadlaya Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka, sabab ay Wasiirrada kale uga hadlaa iima muuqato, Nidaamka Dawladnimadana isma lihi waa Arrin ku fiican.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: