Wasiir Xil Ka Qaadistiisa U Nisbeeyay Cid Aan Madaxweynaha Ahayn

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa Shalay ka hadlay Xil ka qaadista uu Toddobaadkii hore ku sameeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Cali Xaamud Jibriil oo Axadda berri Xilka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda ku wareejinaya Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ah Wasiirka cusub ee Madaxweynuhu Wasaaraddaa u Magacaabay, ayaa Maanta sheegay in aan Xil ka qaadistiisu ka imanin Madaxweynah, balse ay ka timid Cid kale oo aanu Carabbaabin.

Cali Xaamud oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo ka jawaabaya sida uu u arko Xil ka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay, wuxuu ku jawaabay “Xil ka qaadistaydu Madaxweynaha kamay imanin, ee meel kale ayay ka timid, laakiin aad iyo aad baan ugu faraxsannahay oo waan ka nasanayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu u Mahad-naqay Madaxweynaha  “Madaxweynaha aan la soo shaqeeyayna waan u Mahad-naqayaa, sida fiican ee aan Muddada 7-da Sannadood ah ula soo shaqeeyay.”

Wasiirkan Xilka laga qaaday oo la waydiiyey Su’aalo kale oo la xidhiidha Xil ka qaadistiisa, ayaa diiday inuu ka jawaabo, isagoo ku gaabsaday inuu Axadda Maanta kaga hadli doono Xaflad uu Xilka ku wareejinayo “Wixii kale ee dareen ah waxaan ka hadlayaa Berri (Maanta) oo aan Xilka wareejinayo…”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: