Wasiir La Gaadhsiiyey Dhaawac Sababay In Dalka Dibeddiisa Loola Cararro

Asmara (Dhamays) – Wasiirka Macdanta dalka Eritrea General Sibhat Efrem oo ah shaqsi saameyn badan ku leh xukuumadda Asmara, ayaa lagu warramayaa in si xun loo dhaawacay.

Wasiirka ayaa la sheegay in Qof hubeysan uu ku toogtay meel aan ka fogeyn gurigiisa magaalada Asmara, waxaana wararka la helayo sheegayaan in nin hubaysan uu u gabbaday ka dibna dhaawac culus gaadhsiiyay.

Ciidamada ayaa markii danbe la sheegay in ay qabteen ninka Wasiirka dhaawacay, walina ma jiro wax war ah oo dowladdu ka soo saartay dhaawac loo geystay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta dalkaasi.

Dhaawaca Wasiirka oo ah mid culus ayaa la sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday gaar ahaan waxaa la sheegay in lagu daweynayo Cisbitaal Milletari oo Imaaraadka ku yaalla,  waxaana adag in faahfaahino badan laga helo dhaawaca wasiirka iyo sida hada xaalkiisu yahay.

Wasiirka Macdanta Erateriya

Wasiirka la dhaawacay ayaa ah nin saameyn iyo awood badan ku dhax leh dowladda Eritrea, waxa uu sanado badan soo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: