Wasiir Cadami Oo U Jawaabay Siyaasiyiinta Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhaliila Inaanu Talin Iyo Is Casilaadii Cabdilaahi Jawaan

Hargeysa (Dhamays)- Axmed Xaaji Cali Caddami, Wasiirka Waraasadda Gaashandhiga Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilaha loo soo jeediyo Xukuumadda, ee ay kaga duwan tahay Xukuumaddihii ka horeeyey, ee ah in Wasiiraddu kala awood badan yihiin iyo in aanu Madaxweynuhu talin, ee dad aan la doorani ay taladda dalka go’aamiyaan.

 

Wasiirka Waraasadda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa mus-dambeedka la hadal hayo inuu Madaxweynuhu u magacaabo Komishanka, is casilaadii la taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada, dagaalka dhexmaray beelaha wada dego Dharkeenyo iyo qodobo kale, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

 

Xukuumad kasta, waxay leedahay wax lagu dhaliilo iyo wax lagu amaano, balse Xukuumaddan aad ka tirsan tahay waxa lagu dhaliila in Wasiiradda oo Digreeto Madaxweyne ku wada magacaaban inay kala awood badan yihiin maxa arintaas ka jira?

Caruurta uurka hooyadood ka soo wada baxday,ee hooyadood iyo aabahood mar barbaarinayaan mar wax barayaan,mar waaninayaan caruurtaas laftooda ee uurka ka soo wada baxay, isku kartina ma noqdaan,wax-tarkooduna wuu kala duwanaada,mid walba halkay ragganimadiisa iyo dadnimadiisu dhigto ayuu

 

joogayaa,walaalnimadoodiina waxba yeeli mayso,aabana dambi looga qori maayo,hooyana dambi looga qori maayo,markaas sidaas oo kale weeye dawladnimadu,  mar haddii uu Madaxweynuhu wada magacaabay Wasiiradda,wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada,darajo loo kala sameeynayaa ma jiraane haddii ay kala firfircoonadeen wax dhib ah oo ku jiraa ma jiro,cidii xilkeeda ka soo baxdana waa la dhiirigelinayaa,waa loo ducaynayaa oo waa khayr baa la leeyahay, cida aan ka soo bixina ee ka gaabisa, waa loo cudur daari,haddii aanu cudur daar jirina waa la baraarujin, cid baraarujisana waayi maayo,laakiin ma jiraan dad leh lambar gaar ah oo la leeyahay kuwana waa la jecel yahay,kuwana waa la neceb yahay.

 

Siyaasiyiinta qaarkood waxay sheegaan inaanu

 

madaxweynuhu talin ee ay taladii dalka hayaan dad aan la doorani. Maxaad ka leedahay?

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: