Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 12 Qof U Dhinteen Xanuunka Shuban-biyoodka

Burco (Dhamays) – Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir Cali, ayaa sheegay in Saddexdii bilood ee u dambeeyay Xanuunka Shuban-biyoodku uu 12 Qof ku dilay Deegaannada uu ka midka yahay Coodanle oo la iskugu soo ururiyey Qoyskii Abaartu ka qaadday Xoolaha.

Isku-duwaha oo ka soo laabtay Kormeer isaga iyo Xubno Wasaaradda Caafimaadka ka mid ahi ku soo mareen deegaannada Coodanle iyo Cabdi Faarax oo Dadka Abaartu Xoolaha ka qaadday loogu fidiyo Gargaar Bani-aadamnimo, ayaa Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco, waxaanu sheegay in Saddexdii bilood ee u dambeeyay ay 12 Qof u dhinteen Xanuunka Shuban-biyoodka, kuwaasi oo Afartii Qof ee u dambeeyay Qudh-baxeen Toddobaadkii u dambeeyay Sannadkii hore.

Isku-duwaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Saddexdii bilood ee ugu dambeeyay way jiraan in 12 Qof u dhinteen Cudurka Shuban-biyoodka. Toddobaadkii u dambeeyay waxa isku maalin dhintay Afar Qof oo laga keenay Xagga Itoobiya.”

Dr. Yuusuf Dirir wuxuu ka warramay Waxyaabaha ay ku soo arkeen Deegaannada Coodanle iyo Cabdi Faarax oo ka mid ah Gobolka Buuhoodle isla-markaana ah tuulooyin la iskugu keenay Dadkii ku caydhoobay Abaarta ka jirta Gobollada bariga Somaliland, “Deegaannada Coodanle iyo Cabdi Faarax waxaanu ku soo aragnay Xanuunnada Shubanka iyo Oofta, waxaana ugu wacan Saxo-darrida, waayo? Waxa meesha ku bakhtiya Xoolo badan, waxaana ka dhasha Duqsi faro badan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Dadweynaha u diray farriin caafimaad, “Shubanka waxa keenaya waa Biyaha, sidaa darteed waxaanu Dadweynaha kula talinaynaa inay iska kar-kariyaan biyaha. Waxa loo baahan yahay in Dadku ay gubaan bakhtiga Xoolaha oo aanay dhaafin, arrintaasina waxay wax weyn ka tareysaa Caafimaadka.”

Xanuunka Shuban-biyoodka, ayaa deegaannada uu Dadka ku dilay waxa ku jira Gobolka Awdal, sida uu Toddobaadkii hore Caddeeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: