War:Deg Dega: Wariyeyaal lagu Jidh Dilay Xarunta Baarlamaanka

Deg-deg: Wariyeyaal Lagu Jidh Diley Xarunta Baarlamanka.

 Muqdisho (Dhamaysnews)

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goor-dhaw jirdil u geestay Wariyayaal ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta magaalada kuwaas oo shaqo u tagay xarunta Golaha Shacabka.

Wariyayaasha Jirdilka loo geestay oo qalabkooda la qaatay waxaa ka mid ah Shaqaale ka tirsan Telefishinka Kalsan Xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Qaar Wariyayaasha oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu amray in Saxaafada laga joojiyo Shaqada Tabinta ee Golaha Shacabka.

Xarunta Baarlamaanka Somalia ayaa Maalmahii Ugu Dambeeyay Cakiran Iyadoo Xaalad Siyaasadeed oo Murugsani ka taagan tahay.

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: