Warbixin: Sheekada Nin Soomaali ah oo si Caddaalad-darro ah Loogu Daldalay Waddanka Ingiriiska

Safiya Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu dambeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales ee dalka Britain, uu ahaa nin Soomaali ah, waxayna ka diyaariyey sheekadan.Inta badan Soomaalida tagtay dalka Britain, ayaa halkaasi gaadhay wixii ka dambeeyay sannadkii 1990-kii, Safiyana ma qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo gaadheysa boqol sanno.

Sheekada Maxamuud Mataan, ayaa marka aad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab-takoor iyo caddaalad-darro Maxkamadeed ah, taasoo ahayd nolosha Soomaalidii bad-maaxiinta aheyd ee u tallaabay dhinaca waddanka Ingiriiska.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxay aheyd wada-sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo ka sii baxeyna goobtii makhaayadda, saaxiibadat ayaa soo hadal qaaday magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sannadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxay ku dhaygageen saaxiibadday, halkaas ayeynu ka amba-qaadnay sheekadan qotada-dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa.

Aad baan uga argagaxay, haddana way i soo jiidatay sheekada. Saacadihii ka dhinnaa habeenkaas, waxay sheekadan ka dhex baadhney wixii laga hayo aaladda wax lagu baadi goobo ee Internet-ka ee Google, innagoo isku dayeyna in aan ogaano xogta iyo warbixinnada ku saabsan sheekadan murugada leh.

Markaan sii akhriyaba sheekada Mataan, waxaan ogaanay taariikhda dheer ee ay leeyihiin dadkayga ku nool dalka Ingiriiska. Markii aan ku soo dhex barbaarayey, qoysaska Soomaaliyeed dhexdooda, kuwaas oo xooggoodu yimid halkan sannadihii sagaashameeyadii (1990-kii) illaa iyo labadii kun “2000”, ma maqal qof soo hadal qaadayo in Soomaalidu joogeen in ka badan qarni, oo arrintaasi waxba kama ogayn.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabantay fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yidhaahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaalay degaanka xeebta ah ee Butetown, Cardiff. Ciidanka Booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxay bilaabeen inay ugaadhsadaan gacan-ku-dhiiglihii.

Degaanka Xeebta ee la yidhaahdo Butetown, waxaa sidoo kale loo yaqaanay Tiger Bay ama The Docks. Waxay aheyd goob ay ku nool yihiin dad kala dhaqamo ah, taas oo mahaddeeda ay lahaayeen bad-maxiintii, kuwaasoo halkaasi u tegay inay ka xoogsadaan, kana kala yimid qeybo kala duwan oo ah goobihii ay ka talineysay Boqortooyadii Britain – oo ay ka mid ahayd Somaliland.

Soomaaligii ugu horeeyey ee yimid magaalada Cardiff waxaa la diiwaangaliyey inta la ogyahay qarnigii labaatanaad, ka dib markii la furay Kanaalka Suez. Ha yeeshee way yaraayeen illaa iyo intii laga soo gaadhayey 1914-kii, markii uu bilawday dagaalkii koowaad ee dunida, waxaa kordhay baahida loo qabo dadka xoogga leh, si loogga faa’iideysto xooggooda shaqooyinka adeegga ku saleysan.

Ragga ayaa ka shaqeyn jirey maraakiibta ganacsiga kala daabusha, kuwaas oo matoorradooda ay isticmaali jireen dhuxusha. Waxay awood u heleen raggani inay shaqeystaan, oo lacagihii ay heleen dib ugu diraan dalkoodii, adduunyadana goobo kala duwan oo badan ay arkaan.

Raggani waxay ahaayeen dad reer guuraa ah, wax dhib ah kuma aysan qabin safarka ku saleysan guur guuridda. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo odhaneysa; “Nimaan dhul marin, dhaayo ma leh.’

Intii lagu guda jiray sannadihii dagaalka koobaad ee dunida, 1914 illaa iyo 1918-kii, Warsame aabbihii iyo Soomaalidii kale ee ay bad-maaxiinta isla ahaayeen way hodmeen, sida ay sameeyeen kuwii kale ee tegay Yemen iyo qeybaha kale ee dunida ee hoos tegi jiray Boqortooyada Britain.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaadkii dagaalka, waxaa dib u soo noqday bad-maaxiin badan oo Britain u dhashay, waxay sidoo kale u baahdeen shaqo. Taasina waxay sababtay in markii ugu horreysay ay billawdaan dibed-baxyo midab-takoor ku salaysan oo ka dhacay magaalooyinka Cardiff iyo Liverpool ee dalka Ingiriiska.

Raggii caddaanka ee shaqo-doonka ahaa waxay weerar ku ekeeyeen dadkii madoobaa iyo guryihii ay ku noolaayeen, ayey tidhi Nadifa Maxamed, oo ah qoraa asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeddo, balse British ah, taasoo ka shaqeyneysa sidii ay u soo saari laheyd buug ka hadlaya Maxamuud Mataan, “halka Soomaalidii, iyo madowgii kale ee ku dhaqnaa goobtii uu weerarka ka dhacay ay iska caabiyeen kuwii soo weerarey”. Waxaa muuqatay in weerarka kadib dadkii qaarkood ay isaga tagaan goobtaasi, laakiin kuwa kale ayaa ku hadhay goobtii, kuna adkeystay inay sidoodii u sii noolaadaan, waloow shaqooyinkii la heli jirey ay hoos u dhaceen.

“Noolaanshaha Cardiff, waxay badday raggii bad-maaxiinta ajnebiga ahayd inay ku ekaadaan guryo ay lahaayeen shirkadihii maraakiibta, kuna hoos noolaadaan nidaam ku dhisan faquuq, kaasoo xaddiday fursadaha shaqo ee ay heli karayeen, goobaha ay tagi kari lahaayeen,” ayey tidhi Nadifa Maxamed.

Waxayna intaas ku dartay; “Inkastoo ay nooloshu adkayd, waxay halkaasi ka abuurteen noolol hor leh, taas oo ka dhalatay goobaha ay degganaayeen dadka dhaqamada kala duwan leh. Waxay sameysteen maqaayada, masaajiddo, iskuullo ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, iyo hannaan ay isku garab qabtaan.”

Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaadhay sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashay maammulkii Somaliland ee Britain hoos tegi jiray ee sannadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulshadiisa, taasoo sababtay inuu shaqo ka helo markab.

Sannadkii 1945-kii, waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabadh 17 sanno jir ah oo ka soo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood, kadibna wayba is guursadeen.

Tacaddiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya. “Xiitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa.

Labadan qof ee is calmaday waxay dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday inay helaan goob ay si wada-jir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay. Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweenay lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani may wada nooleen.

Gabadhan la dilay ee la odhan jiray Lily Volpert, waxay ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay ku soo xidhaan Maraakiibtu. Xilli fiid ah oo taariikhdu ahayd 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig-baxday, oo goorta lagaga gooyey mindi. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka.

Ciidanka Booliiska ayaa su’aalo waydiiyey dad badan, oo uu ku jiray ninkan Soomaaliga ahaa ee la odhan jiray Mataan. Wuxuu u sheegay in aanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jiray shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tegay gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska. Laakiin ma jirin qof laga heli karo caddeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa.

Qof u dhashay dalka Jamica (Jameeka), oo la yidhaahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo ka sii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofiyad iyo jaakatna aan xidhnayn.

Ha yeeshee, Mr. Mataan ma aannu laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xidhnaa koofiyad iyo jaakat. Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass.

Mr. Mataan waxaa la xidhay markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatay Volpert ayaa ballanqaaday £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbisa warka arrintaasi la xidhiidha. Markii la gaadhay Maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo ka sii baxaya dukaanka markii ay saacaddu aheyd 8.15 fiidnimo.

Ciidanka Boolisku waxa ay qareenada difaacayay Mataan ay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhammaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag iyo weliba in gabadh 12 sanno jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan aannu meesha tegin maalintaas.

Waxaa sidoo kale nasiib-darro ahayd in xiitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn.”

Mr. Mataan waxaa lagu helay dambi, waxaana lagu xukumay dil, waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada Cardiff taariikhdu markii ay ahayd 3-dii September, 1952-dii.

Harold Cover, oo ahaa ninkii ku marqaati furay Mataan, ayaa muddo kadib la xidhay, isagoo lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu isku dayey inuu gabadhiisa qoorta ka gooyo, isagoo adeegsanaya mindi, halka Taher Gass, oo ahaa isagana ninkii lagu tilmaamay inuu ku sugnaa dukaanka uu dilka ka dhacay, lagu soo oogay dambi ah inuu qof toorrey ku dilay, balse wax dambi waa lagu waayay.

Xaaskii Mataan, Laura, looma sheegin markii la dilayey ninkeedii, waxayna ogaatay mar ay booqatay xabsigii uu ku xidhnaa. Markaas kaddibna iyada waxaa u bilawday dedaal sannado badan socday oo ahaa sidii ay ku caddeyn lahayd in ninkeedu aannu gelin dembiga loo daldalay.

“Wuxuu hubay in la ogaan doono in meel un ay wax iska daba-mareen, afka Ingriiska si wanaagsan kuma hadli karin, balse waxaa ku celcelinayay “qof dumar ah ma dilin”, sidaasi ayay Laura u sheegtay wargeysaka The Independent sannadkii 1997-dii.

Waxayna intaas ku dartay; “Ilaa maalintii ugu dambeysay waxaan aaminsanaa inay sii deyn doonaan, laakiin ma aanay sameyn, oo wey daldaleen. Markii falkaasi daldalaadda ay ku kaceen kaddib, waxaan isku xidhay qolkeygii anigoo ay i wehliyaan carruurteedii, muddo dheerna waxaan u maleyn jiray inaan mar un arki doono, wuxuu ahaa nin wanaagsan iyo aabbe wacan ah, badda ayuu ka shaqeysan jiray, si uu nolol u kasbado, markii dambena wuu iska dhaafay oo wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu la joogo carruurtiisa intay ka korayaan.”

Isku daygii ugu horeeyey ee ay qoysku ku doonayeen in xukunkii dhacey la baabi’iyo waa laga diiday, laakiin kiiskani wuxuu noqday kii ugu horeeyey oo loo gudbiyo guddiga dib u eegiska kiisaska ee la dhisay sannadkii 1990-kii.

Ugu dambeyntii, xukunkii waa la buriyey sannadku markii uu ahaa 1998-dii. Lord Justice Rose ayaa ku tilmaamay kiiskani “mid ay caddahay inuu khaldanaa,” isagoo sheegay in ay meesha ka maqanayd wax caddeyn ah oo Mataan la xidhiidhinayey inuu isagu dilay Lily Volpert.

Qoyskii Maxamuud Mataan ayaa waxaa loo xukumay magdhaw gaadhaya 1.4 milyan oo giniga Ingriiska ah, Waa markii ugu horeysay oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ingiriiska magdhaw siiso qoyska qof si khalad ah loo daldalay.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sanno kaddib xukunkaasi. Dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen, balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sannadkii 1996-dii, labo sanno ka hor intaan Mataan la bari-yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasay qabuuraha Cardiff.

Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray; “caddaalad-darro ayaa lagu dilay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: