Warar Deg Dega :Garyaqaan C/naasir Shide oo Jawaab Adag oo Sharci ka Bixiyay Go,aankii Madaxweyne Biixi ee Kootada Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco+uguna Baaqay inuu Ceebta Go,aanka Halkaa kaga Hadho

Hargaysa(Dhamays):Iyadoo 7/6/2018 ay ahayd markii Golaha Xukuumada  madaxweyne Biixi ay Gacan Taag u Qaadeen Xeer Kooto loogu Sameynaayo Haweenka Somaliland iyo Qaar ka mid a Beelaha Dega Deegaanada Somaliland ,Golayaasha Baarlamaankaa iyo Deegaanka.

Hadaba Xeerkan oo inta badan Aqoon yahanka Somaliland iyo qaybaha bulshadu ay ka bixiyeen Jawaab ka hor imanaysa Go,aanka madaxweyne muuse Biixi ayaa waxa iyaguna Dhankooda Jawaab Adag oo Sharci ka bixiyay Qaybaha Sharciyada Ku Shaqeeya

Garyaqaan C/naasir Maxamed Shide oo ka mida Garyaqaanada Somaliland ayaa Jawaab Adag isna Dhankiisa ka Bixiyay Xeerkaasi isagoo Sheegay in aanay Jirin Xeer Fasaxaaya Go,aankaasi islamarkaana Garyaqaanku wuxuu sharaxay Nidaamka Dastuurka Somaliland iyo Waxa uu ka qabo Kootada isagoo si Qotodheer u soo bandhigay Nidaamka Qaab Sharciyeed

Garyaqaanka ayaa sheegay islamarkaana madaxweynaha Somaliland Ku Dhaliilay in ay Xiligan jiraan arimo badan oo u baahnaa in madaxweynahu xeerar iyo Go,aamo ka soo saaro balse aanu madaxweynahu garan arimahaasi .

Halkan ka Daawo Muuqaalka Warkan.

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: