War Dega:Daawo Maamulayaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay oo Muujiyay Awood Dhaqaale+Wasiir Faratoon oo Amarkiisii ku Buriyay Qadar lacaga ah oo uu ka helay Dugsiyada Gaarka loo leeyahay

Hargaysa(Dhamaysnews):Maamulayaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa ku Guulaystay Hankoodii ay Dhawaan ku shaaciyeen in aanay Diyaar u ahayn inay fuliyaan Amarka wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo sheegaayay in Iskuulada Fasaxoodii ku eegaan Doono 1/09/2018.

maamulayaash Dugsiyada ayaa hore wacad ugu maray inay ganafka ku dhufandoonaan amarka Xukuumada iyo Wareegtada Wasiirka waxbarashada Somaliland .iyagoo shaaciyay inay Qaadayaan Talaabo kasta oo ay ku fulinayaa Doonistooda Gaarka ahi waxaanay maanta muujiyeen awoodooda Dhaqaale ka dib markii Wasiir Faratoon uu Aqbalay Go,aankooda islamarkaana uu Jabiyay Amarkii Xukuumada .

go,aanka wasiir Faratoon ku buriyay Wareegtadii wasaarada waxbarashada ayaa warar Dheeraada oo soo Gaadhaaya Shabakada Dhamaysnews waxa ay sheegayaan in Maamulayaasha Dugsiyada Bareefadka ahi ay Wasiirka ku Muquuriyeen Qadar lacag ah oo ay dhexdooda ka soo ururiyeen islamarkaana wasiirka ay kaga iibsadeen inuu buriyo Wareegtadiisii Hore ,iyagoo kaashanaaya maamulka Wasaarada waxbarashada ee Waaxda Iskuulaadka gaarka loo leeyahay .

Halkan Ka Daaawo warkaasi.

 

mustafe Herer

Dhamaysnews.com

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: