War Deg Dega:Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia oo Waji Cusub yeeshay +Xukuumada Somalia oo ku Dhawaaqday in la gaadhay Wakhtigii Lagu Qabanlahaa Hargaysa iyo Muqdisho +Somaliland oo Shuruud ku Xidhay.

Hargaysa (Dhamays):Xukuumada Somalia ayaa Sheegtay in Xukuumada Somalia Diyaar u tahay in madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi yimaado Magaalada Muqdisho Islamarkaana Madaxweyne Farmaajona Tago Caasimada Hargaysa .
Geesta kalana Xukuumada Somaliland ayaa Hadalka Xukuumada muqdisho kaga Jawaabtay Shuruud ay ku xidhay iyadoo Xukuumada Somaliland sheegtay in Wadahadalada somaliland iyo Somalia ee lagu Qabanaayo Hargaysa iyo muqdisho ay suurto gal tahay marka Xukuumada Somalia Aqoonsato Qaranimada Somaliland.
Isku soo wada duuboo Talaabadan iyo hadaladana ka soo yeedhay Dawladaha Somaliland iyo Somalia ayaa noqonayaa waji Cusub oo ay Gashay xaalada Siyaasadeed ee Hargaysa iyo Muqdisho Waxase laga dhursugaa halka ay ku dambeeyaan.

Mustafe Ahmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: