War Deg Dega:TANI WAA SHEEGAA MA DHAAFTO….Ex Wasiir Calimareexaan oo Sheegay inuu Maxkamada la Tiigsandoon Xil Naasir Cali Shire

Hargaysa(Dhamays):Wasiirkii Hore ee Wasaarada Hawlaha Guud ee Xukuumadii axmed Siilaanyo

mudane Cali (Cali Mareexaan )ayaa ku dhawaaqay inuu maxkamada horgayndoon xildhibaan Naasir Cali Shire Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba Galka ee Golaha Wakiilada oo Todobaadkan Golaha Ka horjeediyay Khudbad uu ku soo bandhigay Musuq maasuq uu sheegay inay sameeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadii Siilanyo kuwaas oo wasiir cali mareexaana ku jiray

Wasiir Cali mareexaan ayaa Eedahaasi uga jawaabay si kulul waxaanu Warbixintaa Ku tilmaamay Mid been abuura oo ka baxsan Hanaanka Warbixineed ee Golaha Wakiilada Somaliland, isagoo sheegay in Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Naaair Cali Shire uu Sheegay Warbixin ka Fog Runta oo Beena isagoo Xidhibaanka ugu Goodiyay  AmabHanjabay Inuu la tiigsandoono Maxkamad hadii aanu Xildhibaanku Raali Galin ka Bixin Hadalkiisa Beenta waxaanu yidhi.

;Taasoo kale waa Sheegaa Ma Dhaafto.

;Xildhibaanku Ha keeno Cadeymahiisii haduu hayo .

;Hadii Kale Maxkamada ha isgeeyo.

 

Halkan ka Daawo Muuqaalka Warkan.

 

Mustafe Axmed Herer

dhamaysnews.com

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: