War Deg Dega: Qaramada Midoobe iyo Ururka Igad oo Shir Qaranimada Dhabar Jab ku ah u Qabtay Mid ka mida Beelaha Somaliland +Qodobadii ka soo baxay

Hargaysa:(Dhamays)Iyadoo Somaliland ay Madaxbanaanideedu hada Madaxa la gashay 30 Sanno oo ay iyadu iskeed u Taagneyd  islamarkaana ay ahayd Dawlada  Madaxbanaan ka dib markii ay 18/5/ ee Sannadkii 1991 Ku Dhawaaqday inay ka Goosatay Koofurta Somalia.

Mudadaa Somaliland ay ahayd Dawlada Madaxabanaan waxay soo martay Marxalado kala duwan oo mid waliba wadatay Wajiyadeeda kuwaas oo iskugu jiray Kuwo Adag iyo qaar Kalaba.

Hadaba Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa waxa maanta ka Dhacay  Shir aan Noociisa Hore loogu Arag Deegaanada Somaliland.

Shirkan oo Khabiirada Siyaasada Gorfeeyaa ay ka Muujiyeen Walaac Siyaasadeed ayaa Ujeedadiisu ahayd Shir Dhex Maray Haayada Qaramada Midoobay ee loo yaqano UNta iyo Ururka Midawga Afrika ee isna loo Yaqaano Igad iyo mid ka mida Beelaha Somaliland Dega Siyaasiyiintooda Shirkan oo uu Qaban Qaabadiisa lahaa Ergayga Unta u Qaabilsan Arimaha Somaliland,Mr Keating Ayaa lagu Casuumay Haldoorka Siyaasada ee Beelaha Degan Gobalada Bariga Somaliland, Gaar ahaan Beelaha Harti iyadoo Ujeedada Shirkani Daaranaa in Beelaha Harti iyo Qaramada Midoobe ay ka Wada Hadlaan Xaalada Muran Colaadeed ee ka Taagan Deegaanka Tuko Raq ee Gobalka Sool oo ay isku Haystaan Somaliland iyo Maamul Gobaleedka Somalia Ee Puntland.

Iyadoo intii uu socday Kulankaasi u dhexeeyay Haldoorka Siyaasada Ee Beelaha Gobalada Bariga Somaliland iyo Waftiga Qaramada Midoobe iyo Igad ka socday lagu Naaqishay Xaalada Deegaanada Bari ee Sool iyo Buuhoodle Gaar ahaan Deegaanka Tukoraq iyadoo Kulankaas oo ka Dhacay Xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland oo Warbaahintu Dibada ka Joogtay fooda la isku Daray Food Adag oo in Badan La isku Maan Dhaafsanaa.

Dood iyo Aragtiyo Isdiidanaa oo Mudo la isku Marila,aa ka Dib ayaa la islaqaatay Qodobo Kala Duwan iyadoona Ka Hor intii aanay ka soo bixin Hoolkii ay ku Jireen ee aanay U soo Bixin Bananka la isku Afgartay in Qodobo Shana oo iyagana Qaarkood aan la isku Raacin Shaacintooda in loo Sheego Warbaahinta .

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isagu Dhanka Beelaha Harti Hogaaminaayay iyo Ergayga Ururka Qaramada Afrika ee Igad u Qaabilsan Somalia oo isna Afka Waftiga ku Hadlaayay oo Warfidiyeenada la Hadlay ayaa midkooba wuxuu sheegay Qodobo kala Duwan oo tiradoodna iskhilaafsan tahay .

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa isagu Sheegay inay isku Afgarteen 4Qodob oo Kala ahaa sidan.

1:In la joojiyo Xabada

2:In Ciidamadu Wada Hadlaan waa Ciidamada Labada Dhinac ee Somaliland iyo Puntland ee isku Horfadhiya Jiida Tuko Raq.

3:In aan Arimaha Bini Aadnimada la wax yeelayn

4:In Cida Somaliland Arimahaasi kala Hadlayso ay Ahaato Dawlada Fadaraalka Somalia.

Balse Ergayga Somalia u Qaabilsan ururka Igaad ayaa isna dhankii warbaahinta u Sheegay in lagu Wada Heshiiyay Qodobo Tiradoodu ka Badan tahay inta uu Gudoomiye Baashe Sheegay kaas oo ahaa Shan Qodob.

Hadaba marka la isku soon wada xooriyo arintan ayaa noqoneysa mid Hanaanka Dawladnimo iyo Qaranimada Somaliland ku ah laf Jab lama se oga sababta Xukuumada Madaxweyne Muuse

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: