War Deg Dega Madaxweynaha Somaliland oo Haamaha Shidaalka Berbera ka Maroojiyay Gacanta Koox Shirkado ah oo Hore Sifo Xaaraana ula Wareegay.

Hargaysa (Dhamays).Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa maanta Wareegto Madaxweyne oo uu soo Saaray Gacanta Dawlada ku soo Celiyay Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera kuwaas oo Hore Nidaam Sharciga Baalmarsan gacanta loogu Galiyay Koox Ganacsato ah oo Hab Afduub Sharciya ula Wareegay .

Halakan Ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxwayne Muuse Biixi Waxuu uu saaka Go’aansaday :

1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

3) In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: