War Deg Dega: Golaha Wakiilada S/land oo Banka Soo Dhigay Musuq Maasuq Hadheeyay Wakaalada Biyaha Hargaysa+Maareeye Daarood oo Orod kaga Baxay Xarunta Baarlamaanka

 

 

Hargaysa(Dhamays):Iyadoo Mudooyinkii ugu Dambeeyay ay Jireen Warar Ka soo baxaaya Wakaalada Biyaha Hargaysa oo sheegaaya in Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa ,Mudane: Maxamed Daarood uu lunsaday Lacago iyo Mashaariic Badan iyadoo Arintan Soo Ifbaxday ka dib Markii Wakaalada Biyahu Kordhisay Qiimaha Biyaha Caasimada lagu Iibsado taas oo Dhalisay in Bulshadu ka muujiso Cabasho Xoogan Cabashada Bulshada oo Gaadhay Guud ahaan Laamaha Dalka ayaa Xafiisyada ay Gaadhay waxa ka mid ahaa Xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Hadaba Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo in mudo ahba u yeedhaysa Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee lagu Tuhunsan yahay inuu Musuq Ku Kacay ayaa Diidmo Badan oo Maareeye Daarood ka Dhago Adayga Yeedhmada Golaha Wakiilada waxa uu maanta Hor yimi Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada iswareysi Qaatay Saacado Badan oo Mudanayaashu LA qaateen Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa islamarkaana Warbaahintu Dabada ka Joogtay kulankaasi ayaa Ku soo Dhamaaday Buuq iyo Isfahanwaa ka dib markii maareeyaha Wakaalada Biyahu Tahliwaayay inuu ka Jawaabo Su,aalahii Xildhibaanadu ka weydiiyeen Shaqadiisa iyo Asbaabaha keenay in Wakaaladu Kordhiso Libin laab Lacagtii Biyaha taas oo Maareeyahu Dhamaantood aanu ka Jawaabin Maareeye Darood sida ay Sheegeen Xildhibaanadii Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada .

Hadaba Buuq iyo Sawaxan Xoogan oo Dhex maray Xildhibaanada iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa waxa Warbaahinta LA Hadlay Xildhibaanadi Gudida iyo Mareyaha iyadoo Xildhibaanadu Sheegeen in uu jiro Musuq Maasuq Xoogan oo uu Maareeyahu sameeyay

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Xidlhibanada  Banka soo Dhigay Musuqa Wakaalada Biyaha Hargaysa.

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: