War Deg Dega Golaha Deegaanka Baligubadle oo Maayir Cusub Doortay +Gudoomiyaha Gobalka oo la saftay Maayirkii Hore +Magaalada oo Qasan

Baligubadle (Dhamays): Golaha Deegaanka Magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobalka Hawd ayaa Maanta Fadhi ay yeesheen ku Doortay Maayir Cusub iyagoo Xilkii Maayirnimo ka Xayuubiyay Maayirkii Hore .

Fadhi ka Dhacay Xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Baligubadle ayaa waxa ka soo Xaadiray Sagaal (9) Xildhibaan oo ka mida 17ka Mudane Deegaan ee Degmada Baligubadle kuwaas oo Cod GACAN taaga ku Doortay inuu maayir Noqdo Xildhibaan Aadan Cali oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka Magaalada Baligubadle .

Maayirka Cusub ee la Doortay oo Shabakada Dhamaysnews khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay ayaa soo Dhaweeyay Xilka Maayirnimo ee Goalahu u Doorteen .

Aadan Cali Maayirka Cusub ayaa Gudoomiyaha Gobalka ku eedeeyay inuu ka baxay Xayn daambkii Masuuliyada Gobalka ka Dib markii uu la saftay Maayirkii Xilka laga Qaaday waa sida uu Hadalka u dhigaye.

Maayirka Cusub ee Magaalada Baligubadle Aadan Cali ayaa yidhi Sidan.

;Gudoomiyahu wuxuu si toosa ula saftay Maayirkii Hore iyo Kooxda Dulmiga sharcigiina waa baalmaray hadana wuxuu Qas Galiyay Magaaladii oo markii ani la idoortaybuu isaga iyo Maayirkii la Riday buuq nagu abuureen.

Waxa sidaa yidhi Maayirka Cusub ee Magaalada Baligubadle loo Doortay maanta oo Shabakada Dhamaysnews Telefoonka ugu Waramay Goordhawey.

Warkaasi Faahfaahintiisa la soco Giordhaw

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: