War Deg Dega :Ciidamada Booliska oo soo Bandhigay Kiiska loo Xidhay Siyaasi Cismaan Awr Liqe

Hargaysa(Dhamays): Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Fooxle iyo Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa ka Hadlay islamarkaana Soo Bandhigay Kiiska loo Xidhay Siyaasi Cismaan Awr liqe oo ay Dhawaan Ciidamada Booliska Xabsiga Dhigeen.

Shir Saxaafadeed ay si Wada jira ugu qabteen Maagalada Hargaysa ayay Ku sheegeen Hogaanka Ciidamada Amaanka Somaliland ee Boolisku in Xadhiga Siyaasi Awr Liqe ay tahay Mid ka Dhaxaysa Siyaasiga iyo Askari ka tirsan Saldhiga Booliska ee Degmada Ibraahin Kood Buur oo uu Siyaasi Cismaan Awr Liqe u Gaystay Aflagaado iyo Handidaad Hanjabaad uu kula kacay Askari Booliska Ka Tirsan.

Waxaana Sidaa Sheegay Afahayeenka Ciidamada Booliska Faysal Xiis oo ka Hadlaayay Shir Jaraa,I’d oo ay wada jir u qabteen Taliye Ku Xigeenka Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland ,Sareeye Guuto C/raxmaan Fooxle.

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: