Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo ka xog-waramay shirar uu la qaatay diblomaasiyiin ka tirsan dalalka Jarmalka iyo Finland

Baashe Cawil Cumar

Nairobi (Dhamays News) – Wakiilka dalka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, ayaa ka xog-waramay kulan uu la qaatay Ku-xigeenka Safiirka waddanka Jarmalka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.Qoraal uu Safiir Baashe Cawil Cumar ku faafiyey facebook-giisa shalay oo uu wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayuu ku sheegay inay Safiirka Jarmalka ka wadahadleen mashaariicda kala duwan ee waddanka Jarmalku ka fuliyo gudaha Somaliland.

“Waxa ay ii ahayd farxad in aan kulan la qaato Ku-xigeenka Safiirka dalka Jarmalka Ambassador Markus Bollmohr oo aan ku booqday Xarunta Safaaradda Jarmalku ku leeyahay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Dowladda Jarmalku waxa ay taageertay, isla markaana ay sii wadaysaa taageerada la xidhiidha mashaariicda lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee ka socda Somaliland. Waxa aannu ka wada-xaajoonay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo khuseeya mashaariicda horumarka ah ee ay Ururrada iyo hay’adaha dowliga ah ee dalka Jarmalku fuliyaan, sida Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW iyo Hay’adda GIZ oo taageero ka gaysta mashaariicda biyo-ballaadhinta Caasimadda Hargeysa, Mac-hadka tabobarka xirfadaha iyo farsamada gacanta. Waxa kaloo aannu ka wadahadalnay doorka uu Jarmalku ka qaadanayo sidii sare loogu qaadi lahaa dhismaha awoodda tayada ee Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland,” ayuu yidhi Baashe Cawil Cumar.

Dhinaca kale, Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa uu toddobaadkan la kulmay saraakiisha dhinaca ganacsiga u qaabilsan Safaaradda dalka Finland ee Caasimadda Nairobi, iyadoo ka wadahadlay sidii shirkadaha waddanka Finland ay maalgashiyo uga samayn lahaayeen Somaliland.

“Waxa farxad weyn ii ah in aan xafiiskayga kulan kula qaatay Qunsulka dhinaca ganacsiga ee dalka Finland (Finland Commercial Counselor) Karita Laisi iyo La-taliyaha waaxda ganacsiga Finland Mr. Tuomas Koivisto, waxaanan ka wadahadlay suurtogalnimada sidii shirkadaha dalka Finland loogu martiqaadi lahaa inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada isgaadhsiinta, maamulka iyo maaraynta qashinka (waste management), adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Waxa aannu isla wadaagnay sida ay Somaliland u tahay meel dhaqaalaheedu firfircoon yahay, una furan maalgashadayaasha caalamiga ah, si looga wada faa’iidaysto fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira Somaliland,” ayuu yidhi Ambassador Baashe Cawil Cumar.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: