Hargeysa (Dhamays) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Maanta shaaciyey in dabayaqaayada bisha labaad ee sannadkan la qabanayo Shirka lixaad ee Golaha dhexe ee Xisbigaasi.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta KULMIYE ee Hargeysa, ayaa sheegay in 23-ka Bisha labaad ee sannadkan Magaalada Boorama uu ka furmayo Shirka lixaad ee Golaha dhexe ee xisbigaasi.

Masuuliyiintan ayaa Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi ku war-geliyey inay ku talo-galaan ka qayb-galka Shirkaasi, kaasi oo kaadhadhka lagaga qayb-galayo bixintooda la bilaabayo 10-ka bisha dambe, haddii Alle yidhaahdo.
Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo
Dhamaysnews.com/Hargeisa Office