Waa Kuma Aqoonyahan Ibraahim Axmed Raabbi ?!!

ibraahim-raabi-1Hargeysa (DMG)- Ibraahim Axmed Raabbi, waa Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka Somaliland ee loo yaqaanno (NDA).

 

Ibraahim oo xilka uu hadda hayo ka hor Muddo gaaban ahaa Xoghayaha Maamulka ee Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Waxqabadkiisa Muddadii uu Dawladda hoose ka ahaa Xoghayaha Maamulka, maaddaama oo aynu u baahan nahay in Dadkeenna wax qabta laga barto Dadka intiisa kale, si Masuuliyiinta kale ee Xilalka hayaa ugu deydaan, uguna dhiiradaan inay Ummaddooda ugu shaqeeyaan si daacad ah, si ay Taariikhda waxqabadka u galaan.

 

Ibraahim Axmed Raabbi oo Toddobaadkii hore ka Shahaadadii labaad ee Jaamacadda ka qaatay Machadka Tababbarka Shaqaalaha Dawladda ee CSI, ayaa Muddadii uu Dawladda Hoose joogay waxa waxqabadkiisii Nidaamka Maamul-Daadejinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ololeyaasha Lix biloodka ahaa ee ururinta Cashuuraha kala duwan.

 

Waxaase arrinta ugu mudan ee Ibraahim Axmed Raabbi weligii lagu xasuusan doono isla-markaana lagu amaani doono ka mid ah in isagoo kaashanaya Maayarka Hargeysa uu ku guuleystay in muddadii uu Xoghayaha Dawladda hoose ahaa uu keenay Warshadda Dhismaha Waddooyinka ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasi oo dhawaan lagu bilaabay dhismaha Waddooyinka.

 

Mr. Raabbi oo hore uga mid ahaa Masuuliyiintii Shirkaddii Isgaadhsiinta ee Soltelco ee Magaalada Hargeysa, ayaa ah shaqsi daacadnimo u dhashay isla-markaana Waajibaadka Shaqo ee uu Qaranka u hayo u guta si Xil-kasnimo iyo Dal-jaceyl ku dheehan tahay.

 

Ibraahim Axmed Raabbi oo Xilkii xoghaye-nimo laga qaaday markii ay Dawladda hoose keentay Warshadda iyo Qalabka Dhismaha waddooyinka Casriga ah ee Caasimadda, ayaa Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa iyo Masuuliyiin badani ay ka biyo-diideen Xilka qaadistiisa, waxayna wakhtigaa Madaxweynaha iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ka codsadeen in laga noqdo Xil-ka-qaadista, laakiin codsiyadaasi ma suurto-gelin, hase yeeshee muddo yar ka dib waxa loo magacaabay Guddomiyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano N.D.A.

 

Mr. Raabi wuxuu 2013-kii ka Qalin-Jebiyey kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Admas, waxaanu wakhtigaa uu Madaxweyne Siilaanyo guddoonsiiyey shahaadadii Jaamacadda.

raabi-2

Halka 2015 uu isla jaamacadda Admas ka qaatay 2 post Graduate oo dhaqaalaha iyo siyaasadda ah.

raabi-3

 

Ibraahim Axmed Raabbi, waxa uu isagoo haya Xilka Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka uu isla bishan November 5teedii ka qallin-jabiyey Machadka CSI oo uu ka bartay Kuliyadda Maaraynta iyo Maamulka Magaalooyinka, waxaana Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu Guddoonsiiyey Ibraahim Axmed Raabbi Billaf-sharaf ay ku maamustay Hay’adda Shaqalaha Dawladda oo uu Guddoomiyaheedu ugu horeeyo.

ibraahim-raabi-1 raabi-jpg-5 raabi-3 raabi-2

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: