“Waa inay Doorashadu qabsoontaa, abaarahana adku way isku soo ururayaan oo meelahaas wax lagu siinayaayo Haka Codeeyaan, Eng,Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (DMG)- Md. Eng, Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii hore ee Wasaaradda maaliyadda Somaliland, imikana kamid ah xubnaha Labaxay Madasha Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa ka dayriyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxana uu shaaca ka qaaday in si aan caad saarnayn loo hagraday dadka abaarta jirta ku caydhoobay.

Maxamed Xaashi oo la hadlay  warbaahinta ayaa ugu horrayn wadaaddada dalka ku canaantay inaanay Zekeda gacmahooda soo gasha u maamulin si habboon, isla-markaana aan weli la arag sekedaas oo la siinayo dadkii u baahnaa ee xaqa u lahaa,“Wadaaddada waxan weydiinayaa sekadu miyaanay iyagaba dhaafin, sekeda dadka baahan halla siiyo, Hargeysa masaajiddo badan baa jira, masaajid walibana waa inuu dadka baahan eegaa oo sekeda loo wareejiyo dadka caydhoobay” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Maxamed Xaashi dhaliilay qaabka ay xukuumadda talada haysaa ula macaamisho dhiggeeda Soomaaliya, waxana uu farta ku fiiqay inay xidhiidh debecsan u muujisay ciddii la doonayey inay xadhigga  ku giijiso, waxana uu yidhi,“maxaa keenay in ninka Ethiopia ka yimaadda laga qaado $60, ka Djibouti ka yimaaddana aynu $60 ka qaadno, ka Xamar ka yimaaddana aynu $15 ka qaadno, waa eex taasi oo kii ina dilayey inaynu lacagta ka dhino, kii ina magan-geliyeyna lacagtii baynu ku qaaliyeynay.”

 

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu diidmo ka muujiyey inay doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, isaga oo soo jeediyey in ciddii haleelitaan u haysa doorashada fursad loo siiyo inay codeeyaan,“Doorashadu intii ku ridda uun bay ku qabsoomaysaa, maantana waa inay doorashadu qabsoontaa oo ay si wacan u qabsoontaa wixii haleelayaana doorashada ku ridaan, abaarahana dadku way isku soo ururayaan oo meelaa wax lagu siinayaaye meelahaasba haka codeeyaan, inay doorasho qabsoontaana dalka jiritaankiisa ayey dan u tahay” ayuu yidhi Ex. Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: