Ururka SPA Oo Ka Digay Ururro Soomaaliya Laga Leeyahay Oo Majaro-habaabinaya Dhallinyarada Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Ururka Adkaynta Qaranimada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SPA ayaa ka digay ururro maalgalineed iyo kooxo kubadda ciyaara oo xoogga saaraya inay is dhex galaan dhalinyarada reer Somaliland iyo Soomaaliya si loo fududeeyo in aanay dhalinayarada Somaliland ka didin Soomaaliya.

Ururkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa dhawaaq dheer kaga digay in loo feejignaado arrimaha la xidhiidha qaranimada, waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay xoghayaha ururkan SPA Siciid Cabdilaahi waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Waxa jira barnaamijyo lagu mijo xaabinaayo ama liddi ku ah qaranimada Somaliland kuwaas oo xambaarsan midnimo iyo isku mid ahaanshaa Soomaalida waxaana fulinaaya ururo gudaha Soomaaliya laga leeyahay, waxaanay mashaariicdaasi ay salka ku hayaan in la xoojiyo isku mid ahaanshii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo Soomaaliya, iyaga oo ku soo dhex dhuumanaaya baahida dalka taala sida shaqo abuuris iyo ganacsi, dhalinyaradii reer Ustareeliya ahayd ee dalka timi ayaa ugu danbaysay kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd inay ku soo ciyaaraan Soomaaliya oo ay soo maraan gobalada Soomaaliya oo dhan, Somaliland ayay yimaadeen oo Boorama iyo Hargaysaba magaca ay dalka ku joogaana waa Somaliya, cid kasta oo dalkeena imanaysaa waa inay ku timaado magaca Somaliland.” 

Amran Cali Maxamed guddoomiye ku xigeenka ururkan Adkaynta Qaranimada Somaliland waxa ay shacbiga ku dhiiri galisay in layska jiro isku dayada jira”Inyar ayuu inoo soo jiraa ictiraafkeenii ee inta aynu helayno inaan iska ilaalino kubadbaa laynala ciyaarayaaye, waayo mar walba waxay ku celcelinayaan dhalinyaradu inay is dhex gashaanu u nimi, dhalinyarada is dhex galaysaa miyaanay ahayn kuwii la xasuuqay aabayaashood, kuwii hooyooyinkood iyo caruurtooda la baabi’iyay, miyaanay ahayn kuwa xabaal wadareedyadu ay uga buuxaan dalka.”

Halka Siciid Maxamed Siciid uu ka soo bandhigay ururada arimahan dabada ka riixaya “Waxa jira ururo badan oo halis ku ah qaranimada iyo jirtaanka Somaliland waxaan si gaar ah uga hadlayaa ururka la magac baxay Fursad-Fund ururkaas oo aasaasayaashoodu ahaayeen muwaadiniin reer Soomaaliya ah oo uu ugu horeeyo wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliya Mr.Caynte iyo wasiiradii hore ee xaalada degdega ah ee Somaliya, waxa ay hadda wadaan mashaariic loogu soo dhuumanaayo dadkeena Somaliland  kuwaas oo ka wada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland-ba”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: