Ururka SITTI Ayaa Shahaado Sharafyo Gudoonsiiyey Hablo Gacan Caawimo Ka Geystay Bulshadii Duufaanadu Tabaaleeyeen

(Hargeysa Dhamays) Ururka ay ku bahoobeen waxgaradka iyo aqoonyahanka beel weynta Ciise ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa SITTI ayaa shahaado sharafyo gudoonsiiyey laba hablood oo gacan ka geystay taakulaynta bulshadii diifta iyo dhibaatooyinku ka soo gaadheen duufanadii sannadkan horaantiisii ku dhuftay gobolada galbeed ee Somaliland. Hablahan shahaadooyinka la gudoonsiiyey oo la kala yidhaahdo Marwo Ifraax Xasan Muuse iyo Aamina X. Ismaaciil Yuusuf ayaa sida ay sheegeen cuqaasha ka soo jeeda goboladaasi gacan caawimo oo laxaad leh ka geystay gargaar la gaadhsiiyey qaar ka mid ah bulshada ku kala dhaqan gobolada Awdal iyo Selal kuwaasi oo ay ka baxeen xoolihii iyo aduunkii ay manaafacaadsanayeen ka dib markii ay ku dhufteen duufaanadii ka dhacay goboladaasi sannadkan horaantiisii.

Labadan gabdhood ayaa deegaan ahaan ka soo kala jeeda gobolada M/Jeex iyo Gobolka Sanaag, waxaanay tusaale u noqon karaan muwaadiniinta dhigooda ah, kuwaasi oo looga baahan yahay in ay bulshadooda caawiyaan iyaga oo aan u kala eegayn gobol, deegaan iyo isku hayb midna, laakiin ku xulanaya cida ay caawinayaan ma yahay muwaadin u dhashay Somaliland iyo sida ay u kala daran yihiin.

Munaasibad lagu qabtay caasimada magaalada Hargaysa ayaa labadan hablood lagu gudoonsiiyey shahaado sharafyadan lagu maamuusayey wixii ay ka qabteen walaalohoodaa u baahnaa in la garab istaago. Caaqil Cabdilaahi Dayib Doolaal ayaa shahaado sharafyadan gudoonsiiyey muwaadiniintan ku dayashada mudan, waxaanu ku sifeeyey shakhsiyada labadan gabdhood muwaadiniin dhab ah oo u diir-naxay dadkooda tabaalaysan. Dhanka kale waxa uu caaqilku xusay in mudooyinkan danbe dadku isku caawiyaan hab ku dhisan hayb ahaan iyo deegaan laakiin hablahani ay jabiyeen deyrkaasi isla markaan ay muujiyeen waddaniyad dhab ah iyo in aanay kala xigin gobolka ay ka soo jeedaan iyo gobolada kale ee dalku.

Marwo Ifraax Xasan Muuse ayaa uga mahadnaqday ururka SITTI iyo caaqil Cabdilaahi Dayib shahaadooyinkaa ay ku maamuuseen, waxaanay sheegtay in aanay isku arkayn kuwo mudan in loo mahadnaqo, sababta oo ah, waxay xustay in ay gudanayeen waajibaad waddaniyadeed oo saarnaa. Sidoo kale waxay u soo jeedisey dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland in ay garab istaagaan oo ay caawiyaan dadkooda tabaalaysan meel ay joogaan ba iyaga oo aan ku xulanayn deegaan ahaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: