TUKE-RAQ: Ciidammada Qaranka Oo Ka Jawaabay Weerar Maleeshiyaadka Puntland Soo Qaadeen Xalay

Hargeysa (Dhamays) – Xalay Fiidkii ayaa waxa Maleeshiyaad reer Puntland ahi waxay weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen mid ka mid ah Fadhiisimada Ciidammada Qaranku ku leeyihiin Duleedka Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool, waxaana waxaana halkaa ka dhacay Dagaal muddo kooban socday.

Dagaalkan Weerarka Gaadmada ah ee Puntland ku soo qaadday Fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee Jiidda Tuke-raq, ayaa waxay Ciidammada Qaranku kaga jawaabeen dhirbaaxo ay ku dhufteen Maleeshiyaadkii ka socday dhanka Puntland, kuwaasi oo sida la sheegay khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi ka soo gaadhay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola Xaaladda Ciidammada Puntland ee Weerarka ahaa.

Dhanka kale, Hal Askari oo ka mid ahaa Ciidammada Qaranka Somaliland oo dhaawac ka soo gaadhay dagaalka dhex maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Puntland oo lagu sheegay inay ahaayeen Ciidammada la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaanno PS, ayaa u geeriyooday Dhaawacii dagaalkii ka soo gaadhay, sida uu xaqiijiyey Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo Maanta Shir-jaraa’id kaga hadlay gardarrada Puntland ku hayso Somaliland ee Weerarkii Xalay u dambeeyay.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: