TOGDHEER: Wasaaradda Beeraha Oo Bilowday Bannaynta Dhul-beereed Dalagyo Kala Duwan Laga Beerayo

Beer (Dhamays) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta Daah-furtay Bannaynta Dhul-beereedka deegaanka Beer, halkaasi oo Wasaaradda Beeruhu ka beerayso Dalagyo kala duwan, si Mustaqbalka Dalku u gaadho isku filaasho dhanka Cuntada ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Axmed Cali Maax, ayaa Saaka Daah-furay bannaynta Dhul-beereedka deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer, halkaasi oo dhowr boqol oo Higtar lagu beeri doono Dalagyo kala duwan.

Deegaanka Beer ee Wasaaradda Beeruhu ka bilowday inay bannayso Dhulka laga la beerayo, ayaa wuxuu qayb ka yahay Qorshe lagu beerayo deegaannada Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh, Banka Wajaale oo la beeray iyo Deegaanka Beer oo dhawaan Beeristiisa la bilaabayo, maaddaama oo Maanta la bilaabay in la banneeyo oo Meelaha Dhirtu ka baxday laga jaro.

Warkaasi oo Muuqaal halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: