Tobanaan Aksari Oo Lagu Diley Magaaladda Cadan Iyo Sababta

Cadan (DMG)- Qof naftii hura ah oo bom isku soo xidhay ayaa weerar ku qaadey koox aksar ah oo ku sugneyd magaalada Cadan ee dalka Yemen gelinkii danbe ee Sabtida, waxaana uu halkaasi Ku Nafwaayey ugu yaraan 30 qof.

 

Weerarkaasi ayaa ka dhacay goob askartu ay saf ugu jireen in ay ka qaataan Mushaharkoodi saldhig ciidan oo ku yaala Khormaksar ee magaalada Cadan.

 

Magaalada Cadan Oo ah Caasimadda kumeel-gaadhka ah ee Dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee taagta daran ee dalka Yemen.

 

Wararka Qaar ayaa sheegaya in masuuliyadda weerarkaasi ay sheegteen kooxda la Labaxdey Dowladda Islaamka ah.

Dagaalada Dalka yemen ayaa galaya sanadkii labaad, mana jirto wax wadahadal ah oo u socda dhinacyada isku haya siyaasadda Dalkaasi Yeman.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: